Dowladda Soomaaliya oo Caddeysay Iskaashiga Dhanka Kalluumeysiga ee kala dhexeeya Shiinaha iyo Mowqifkeeda ka dhanka ah Falalka Sharcidarrada ah
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddayn ka bixinaysay xaaladda kalluumeysiga caalamiga ah ee ka dhex socda aagga dhaqaalaha ee badda Soomaaliya (EEZ).
Wasaaraddu waxay xaqiijisay in maraakiibta kalluumeysiga ee Shiinaha ee ka howlgala biyaha Soomaaliya ay ku joogaan qaab sharci ah, iyagoo si buuxda u raacaya xeerarka dalka iyo kuwa caalamiga ah. Maraakiibtan ayaa ku shaqeeya ruqsado rasmi ah oo ay bixisay Dowladda Federaalka, taas oo ka turjumaysa iskaashiga qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.
Dowladda Soomaaliya waxay qiimeynaysaa xiriirka istiraatiijiyadeed ee ay la leedahay Shiinaha iyo sida ay shirkadaha kalluumeysiga ee dalkaas u dhowraan madax-bannaanida badda Soomaaliya.
Iskaashigan ayaa tusaale u ah ka faa’iideysiga khayraadka badda ee loo maro jidka sharciga ah.
Dhinaca kale, Wasaaraddu waxay si adag u cambaareysay fal kasta oo sharcidarra ah oo ka dhaca biyaha Soomaaliya, sida kalluumeysiga aan oggolaanshaha haysan iyo afduubka maraakiibta ee ay geystaan kooxaha dambiileyaasha ah.
Falalkaas waxay xad-gudub ku yihiin madax-bannaanida dalka iyo xeerarka badda ee caalamiga ah.
Wasaaraddu waxay soo dhoweysay sii deynta markab laga leeyahay Shiinaha oo si sharcidarra ah loogu haystay biyaha Soomaaliya, waxayna u mahadcelisay hay’adihii iyo dadkii deegaanka ee ka qayb qaatay badbaadinta markabkaas iyo shaqaalihii saarnaa.