Taariikh Nololeedka Wariye Jamal Rayyan
Allaha u naxariistee waxaa saacado ka hor la xaqiijiyay geerida wariyihii rugcaddaaga ahaa ee Jamal Rayyan oo muddo dheer ka shaqaynayay warbaahinta Carabta, gaar ahaan TV-ga Aljazeera.
Jamal Rayyan wuxuu dhashay 23-kii Agoosto sanadkii1953, wuxuuna ku dhashay magaalada Tulkarm ee Falastiin, wuxuu ahaa wariye iyo war akhriye caan ah oo ka tirsan shabakadda warbaahinta ee Al Jazeera Media Network, waxaana lagu tirin jirey mid ka mid ah wejiyada ugu caansan telefishannada Carabta.
Jamal Rayyan wuxuu ku koray deegaanka Tulkarm, halkaas oo uu ku qaatay carruurnimadiisa iyo waxbarashadiisii hore, balse Markii dambe wuxuu u guuray Jordan si uu uga sii wato waxbarashada jaamacadeed, isagoo bartay saxaafadda iyo warbaahinta.
Intii uu waxbarashada ku jiray ayuu xiise weyn u muujiyay warbaahinta iyo war-tabinta, taas oo noqotay waddadii uu mustaqbalkiisa shaqo ku dhisi lahaa,
Kadib markuu uu dhammeeyay waxbarashadiisa, Rayyan wuxuu bilaabay shaqo warbaahineed oo uu kasoo qabtay idaacado iyo telefishanno kala duwan oo ku yaal Bariga Dhexe.
Khibradahaas kala duwan ayaa ka caawiyay inuu yeesho aqoon iyo xirfad qoto-dheer oo ku saabsan akhrinta wararka iyo falanqaynta arrimaha siyaasadda iyo bulshada.
Sanadkii 1996, markii la aasaasay shabakadda Al Jazeera, Jamal Rayyan wuxuu ka mid noqday wariyeyaashii iyo akhriyeyaashii wararka ee ugu horreeyay ee ka shaqeeya kanaalka, asagoo muddo dheer halkaas ka shaqeynayay, wuxuuna caan ku noqday codkiisa deggan, xirfaddiisa war-akhrinta, iyo sida uu si hufan ugu gudbiyo wararka muhiimka ah ee caalamka iyo Bariga Dhexe.
Jamal Rayyan oo loo aqoonsanaa mid ka mid ah wariyeyaasha ugu saameynta badan warbaahinta Carabta, islamarkaana kaalin weyn ka qaatay horumarinta iyo sumcadda warbaahinta Carabta, gaar ahaan shabakadda Al Jazeera ayay geeridiisu haatan haysataa hadal-haynta baraha bulshada Carabta.
Ayadoo dadkii shaqa-wadaagga la ahaa ay ku tilmaameen tiir ka baxay warbaahinta Carabta oo shaqadiisa dheer iyo xirfaddiisa sare ay ka dhigtay shaqsi ay si weyn ugu ixtiraamaannaa daawadayaasha iyo bahda warbaahinta.