Taariikhnololeed: Kumuuu ahaa Mufakkirkii Islaamka ee Syed Muhammad Naquib al-Attas?
Siddeedii bishan Maarso dunida fikirka Islaamka ayaa lumisay mid ka mid ah aqoonyahannadeeda ugu waaweyn ka dib markii uu geeriyooday mufakirkii iyo faylasuufkii Muslimka ahaa ee Syed Muhammad Naquib al-Attas, isagoo 94 sano jir ah.
Wuxuu ku geeriyooday magaalada Kuala Lumpur ee dalka maleeshiya, halkaas oo salaadda janaasada lagula tukaday Masjid al-Taqwa, ka dibna lagu aasay qabuuraha Islaamiga ah ee Bukit Kiara Islamic Cemetery.
Al-Attas wuxuu ka mid ahaa mufakiriinta Muslimiinta ee ugu saamaynta badan xilligan casriga ah, isaga oo ka tegay dhaxal aqooneed oo jiilasha cusubi ay muddo dheer dheefsan doonaan.
Wuxuu sanadkii 1931dii ku dhashay magaalada Bogor, wuxuuna kasoojeeday qoys aqoon iyo sharaf ku caan ahaa, asagoo waxbarashadiisa ku qaatay isku darka cilmiga Islaamka iyo waxbarashada casriga ah, taas oo si weyn u qaabaysay aragtidiisa mustaqbalka.
Intii uu sii watay waxbarashadiisa sare wuxuu wax ku bartay jaamacado caan ah sida University of London iyo McGill University ee Kanada, halkaas oo uu ku qaatay daraasado ku saabsan falsafadda Islaamka, ilbaxnimada iyo fikirka suufiyada.
Muddo dheer oo cilmibaaris iyo qoraal ah kadib, al-Attas wuxuu noqday mid ka mid ah aqoonyahannada ugu sarreeya ee ka shaqeeya dib-u-fahanka aqoonta Islaamka.
Waxa uu caan ku noqday soo bandhigista fikradda Islaamaynta aqoonta, oo ah aragti ku baaqaysa in aqoonta iyo nidaamyada waxbarashada laga xoreeyo aragtida maaddiga ah ee xaddidan, isla markaasna lagu saleeyo qiyamka iyo aragtida Islaamka.
Sida uu aaminsanaa, aqoontu ma aha kaliya ururinta xog, balse waa nidaam isku xira caqliga, anshaxa iyo masuuliyadda bini’aadamka.
Aragtidan iyo dadaalladiisa cilmiyeed awgood, al-Attas wuxuu aasaasay International Institute of Islamic Thought and Civilization, oo noqotay xarun aqooneed oo caan ah oo lagu barto falsafadda Islaamka, taariikhda ilbaxnimada iyo fikirka Muslimiinta.
Machadkani wuxuu soo saaray jiilal badan oo cilmibaarayaal yo aqoonyahanno ah oo ka kala yimid dalal badan oo Muslim ah, ayadoo qoraallada al-Attas ay caan ku ahaayeen qoto dheer falsafadeed iyo aragti waxbarasho oo u aragta dhibaatada ummadda Muslimka inay tahay mid ku saabsan jahawareerka fikradaha iyo qiyamka.
Sidaas darteed, wuxuu diiradda saaray hagaajinta ereybixinta aqoonta, dibudejinta xiriirka u dhexeeya waxyiga iyo caqliga, iyo iskuxirka cilmiga iyo anshaxa si ay aqoontu u noqoto mid dhista ilbaxnimo caafimaadqabta.
Intii uu noolaa wuxuu qoray buugaag iyo daraasado badan oo si weyn u saameeyay fikirka Islaamka ee casriga ah, wuxuuna noqday halbeeg ay ku daydaan aqoonyahanno iyo arday badan oo dunida Muslimka ah iyo meelaha kale ka yimid.
Geeridiisa, dunida Islaamka waxay ku weyday mufakir si dhab ah ugu shaqeeyay horumarka iyo dib-u-soo-noolaynta ilbaxnimada.
Si kastaba ha ahaatee, dhaxalka aqooneed ee uu ka tagay, buugaagtiisa, ardaydiisa iyo hay’adaha uu aasaasay ayaa sii ahaan doona iftiin hagaya jiilasha mustaqbalka ee raadinaya aqoon ku dhisan qiyam iyo faham qoto dheer oo ilbaxnimo.