CAF oo Koobka AFCON ka Xayuubisay Senegal
Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ee CAF ayaa soo saaray go’aan lama filaan ah oo gariiriyay caalamka kubadda cagta, kadib markii ay si rasmi ah koobka horyaalnimada qaaradda uga xayuubiyeen xulka qaranka ee Senegal.
Go’aankan oo ka soo baxay Guddiga Rafcaanka ee CAF ayaa lagu sheegay in Morocco loo aqoonsaday xulka ku guuleystay tartanka, iyadoo natiijadii ciyaartii Final-ka ee bishii Janaayo ee ay Senegal 1-0 ku badisay loo beddelay 3-0 oo ay ku badisay Morocco.
Tallaabadan adag ayaa timid kadib markii lagu helay ciyaartoyda Senegal inay baal-mareen shuruucda tartanka markii ay garoonka isaga baxeen ciyaartu oo socota, taas oo CAF ay u fasiratay in Senegal ay iska dhiibtay ciyaarta.
Go’aankan ayaa dhaliyay hadal-hayn xooggan iyo dood ballaaran oo dhex martay taageerayaasha labada dal iyo guud ahaan qaaradda Afrika.