U bood dhigaalka

Kumuu ahaa Cali Laarijaani, madixii golaha amniga Iiraan ?

Dowladda Iiraan ayaa saacado ka hor shaacisay in duqeyn lagu diley madixii Golaha amniga dalkaas Cali laarijaani, wiilkiisa, ku xigeenkiisii, iyo xubno kamid ah ilaaladiisa gaarka ah.

Cali Laarijaani waxaa loo arkayay nin ka soo muuqda xilliyada ugu adag, isagoo ah xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka ee Iiraan, wuxuu mar walba lahaa saameyn muuqata oo ku dhex jirta nidaamka siyaasadeed ee dalkaas.

Magaciisu kama maqna goobaha siyaasadda, gaar ahaan doodaha istiraatiijiga ah ee la xiriira xiisadda u dhexeysa Tehraan, Washington, iyo Tel Aviv.

Laarijaani wuxuu dhashay sanadkii 1958, asagoo ku dhashay magaalada Najaf ee dalka Ciraaq, wuxuuna ka soo jeedaa qoys hodan ah oo asal ahaan ka yimid gobolka Laarijaan ee Iiraan.

Qoyska Laarijaani waxay leeyihiin saameyn weyn oo ku saabsan nidaamka diinta iyo siyaasadda ee Iiraan, waxaana mar lagu tilmaami jiray qoyska Kennedy-ga Iiraan sida ay qortay majalladda Time.

Dhanka waxbarashada, Laarijaani wuxuu haystay shahaadada koowaad ee jaamacadda ee xisaabta iyo culuumta kombiyuutarka, sidoo kalena wuxuu qaatay shahaadooyinka Master iyo Doctorate ee falsafadda reer Galbeedka, gaar ahaan falsafadda faylasuufkii Jarmalka ah Immanuel Kant, oo ah mid ka mid ah aasaasayaasha fikirka casriga ah ee Galbeedka.

Fikrad ahaan, Laarijaani waxaa lagu tilmaami jiray nin muxaafid ah oo waaqici ah, isla markaana ka mid ah maskaxda istiraatiijiga ah ee nidaamka siyaasadeed ee Iiraan.

Warbaahinta reer Galbeed iyo tan Israa’iil waxay ku sifeeyaan inuu lahaa weji laba-geesood ah, isagoo isku daraya diinta oo uu si qoto-dheer ugu adkaa, waaqicinnimo siyaasadeed, iyo awood uu si fiican ugu wada hadli karo, ugu dhexdhexaadin karo, uguna gorgortami karo.

Sanadkii 1994 wuxuu ahaa xilli isbeddel u ah noloshiisa, kaddib markii uu hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Cali Khamenei, u magacaabay madaxa hay’adda warbaahinta qaranka, ayadoo jagadani ay ka mid ahayd kuwa ugu saameynta badan dalka.

Muddo dheer kadib, Laarijaani wuxuu qabtay jagooyin badan oo muhiim ah, sida sarkaal sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, wasiirka dhaqanka, iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu isku dayay seddax jeer inuu noqdo madaxweyne, balse ma uusan ku guuleysan, waxaana laga reebay tartanka doorashada sanadihii 2021 iyo 2024, xitaa doorashadii la qabtay kadib geeridii madaxweyne Ibraahim Ra’iisi.

Kadib dagaalkii 12-ka maalmood ee dhacay bishii Juun, Laarijaani wuxuu mar kale kusoo laabtay fagaaraha siyaasadda, kaddib markii loo magacaabay xoghayaha Golaha Sare ee Amniga Qaranka.

jagadan oo uu horey u soo qabtay, waa mid ka mid ah xilalka ugu awoodda badan ee nidaamka Iiraan, maadaama uu si toos ah u fuliyo siyaasadaha hoggaanka sare, mararka qaarna ka awood badan yahay madaxweynaha marka laga hadlayo arrimaha xasaasiga ah.

Kadib dilkii Khamenei, Laarijaani wuxuu isu beddelay ninka ugu awoodda badan Iiraan, isagoo gacanta ku hayay go’aamada amniga qaranka iyo siyaasadda dibadda, ayadoo xilli aad u adag oo cakiran u ah nidaamka dalkaas.

Geeridiisa ayaa loo arkaa dhaawac weyn oo gaaray amniga iyo siyaasadda Iiraan, balse xukuumadda Tehran ayaa u muuqatay inaysan ku wiiqmi doonin dhimashada saraakiisha iyo hoggaamiyaasha sar sare.