Trump aflagaadaynta Soomaaliya ma ujeedooyin kale ayuu ka leeyahay
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa mar kale hadal muran badan dhaliyay ka jeediyay Aqalka Cad (Oval Office), isagoo Soomaaliya ku tilmaamay dal heerka afraad ah, islamarkaana aan lahayn dowladnimo iyo adeeg ah.
Hadalkan ayaa si weyn uga caro geliyay bulshada Soomaaliyeed iyo falanqeeyayaasha siyaasadda, maadaama uu yahay mid dhaawacaya sumcadda dal dhan.
Trump ayaa muddooyinkii dambe caado ka dhigtay inuu aflagaado iyo meel ka dhac ula bareero Soomaaliya iyo dakeeda, asagoo dhawr weerar afka ah u geystay umadda Soomaaliyeed iyo dalkoodaba.
Trump wuxuu sidoo kale ku celiyay eedeymo hore oo aan wax caddeyn ah loo hayn oo ku saabsan xildhibaan Ilhan Omar, isaga oo mar kale soo hadal qaaday sheegashooyin si weyn loo beeniyay oo ku saabsan nolosheeda gaarka ah.
Ilhan Omar ayaa hore u sheegtay in eedeymahaas ay yihiin been aan sal lahayn, isla markaana ay qayb ka yihiin weerarro siyaasadeed oo lagu bartilmaameedsanayo bulshada Soomaaliyeed.
Falanqeeyayaal badan ayaa aaminsan in hadalladan ay xiriir la leeyihiin cadaadis siyaasadeed oo gudaha Mareykanka ah, iyadoo tan iyo ololihii doorashada ee sanadkii 2016, Trump uu caan ku ahaa adeegsiga hadallo adag oo ku wajahan muhaajiriinta iyo dalalka Afrika, si uu u kasbado taageerayaal gudaha ah.
Mar kasta oo uu wajahayo dhaliil siyaasadeed ama hoos u dhac taageero, wuxuu inta badan adeegsadaa hadallo kicinaya dareenka taageerayaashiisa, asagoo aan u meel dayayn aflagaadaynta dalalka ay Soomaaliya kamid tahay.
hadalladan muranka dhaliyay waxay mar kale soo bandhigayaan sida uu Trump u doonayo inuu indhaha dadka dalkiisa uga jeedo maamul xumaa iyo guul darrada gudaha ah ee xukuumaddiisa, sida ay xeeldheerayaashu aaminsanyihiin.