Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya, Francesca Di Mauro, ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee ka taagan maamul goboleedka Koonfur Galbeed.
Danjiruhu waxay ku baaqday in khilaafka jira lagu wajaho wadaxaajood iyo isfaham, iyadoo tilmaantay in xalka kaliya ee lagu gaari karo xasillooni uu yahay in miiska wadahadalka la isugu yimaado.
Sidoo kale, Francesca Di Mauro waxay soo dhaweysay dadaal kasta oo waan-waan ah oo ka dhex bilaaban kara dhinacyada isku haya siyaasadda gobolka, waxayna hoosta ka xariiqday muhiimadda ay leedahay in fursad buuxda la siiyo nabadaynta si looga baaqsado wax kasta oo khalkhal gelin kara amniga.
Baaqan ayaa imaanaya xilli xasaasi ah, waxaana Midowga Yurub uu u muuqdaa mid xoojinaya cadaadiska caalamiga ah ee ku aaddan in xal nabadeed laga gaaro ismari-waaga ka taagan Koonfur Galbeed.