U bood dhigaalka

Sniper Waa Maxay?

Maajo 9, 2026

Sniper waa eray ingiriis ah oo macnihiisu yahay shimbir yar oo duul duul badan oo dadka shimbiraha ugaarsada ay ku adag tahay inay  shiish la helaan.

Ninka shiishka si fiican u yaqaan oo shimbirta sniper xabbad la hela ayaa la yiraa sniper.

Waa ereyga uu adeegsaday Madaxweyne hore Shariif Shiikh Axmed maanta.

Marka ciidan laga hadlayo waa askari si gaar ah ugu tababbaran shiish sugan iyo xeelado kale oo badan oo ay ka mid yihiin dhuumashada, isaqrinta iyo yool beddelashadu.

Halkii askari ee sniper ah waxaa tababbarkiisa ku baxda inta ku baxda tababbarka saddex askari oo caadi ah. Qoriga uu sniper-ku ku hubeysan yahay, waa mid ka duwan qoryaha ciidanka intiisa kale.

Xilliyada aad loo adeegsado waxaa ka mid ah marka uu ciidanku jabo.

Waxaa laga dhigaa raacdo-reeb. Ciidankiisa oo jabay oo dib u gurasho sameynaya ayaa isaga la reebaa si uu u hakiyo ciidanka cadowga.

Isaga oo ku tababbaran shiishka oo barta uu doono ka toogan kara askariga cadowga, haddana xabbadda uu rido ugama dhufto madaxa iyo wadnaha toona.

Wuxuu ka toogtaa jilbaha ilaa iyo sabarka. Sabatu waxay tahay in hal xabbad uu ku reebo saddex askari. Sidee? Halka xabbad ee sniper-ku waxay reebeysaa askariga dhaawaca ah iyo labada qaadeysa. Iyo waliba in uu saameeyo mooraalka ciidanka cadowga oo uu casbi geliyo maaddaama ay arkayaan dhiigga iyo cabaadka ka baxaya saaxiibkood daqiiqad ka hor ka garab dagaallamayay.

Toban xabbadood haddii uu rido sniper-ku, waxaa uu la harayaa 30 askari.

_______

* ERAYGA MAANTA waa curin cusub oo ay Goobjoog si faahfaahsan ugu sharxayso eray kasta oo macnihiisu ku cusub yahay adeegsiga warbaahinta, si dhegeystaha iyo akhristuhuba u helaan faham dhammaystiran oo ku saabsan micnaha eraygaas.