Waxaa magaalada Kigali lagu soo gabagabeeyay tartanka CECAFA Kagame Cup 2026, iyadoo Soomaaliya ay ka mid ahayd dalalkii door muhiim ah ku lahaa dhacdooyinka tartanka, gaar ahaan dhinacyada garsoorka iyo hoggaanka kubadda cagta ee gobolka.
Ciyaartii finalka ee dhexmartay Rayon Sports ee Rwanda iyo Gor Mahia ee Kenya ayaa waxaa garsoore ka ahaa garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliya Cumar Cabdulqaadir Cartan, kaas oo si guul leh u maamulay kulanka.
Rayon Sports ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay ciyaarta oo ku soo dhammaatay 2–1, iyadoo kooxda Rwanda ay sidaas ku xaqiijisay hanashada koobka.
Soomaaliya ayaa sidoo kale matalaad ka sameysay dhinaca maamulka tartanka, ayadoo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta iyo Madaxweyne-ku-xigeenka CECAFA, Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), uu ka qeyb galay munaasabadaha iyo howlaha la xiriiray tartanka.
Ka qeybgalka mas’uuliyiinta kubadda cagta Soomaaliya iyo garsooraha Soomaaliyeed ee dhex-dhexaadiyay ciyaarta kama dambaysta ah ayaa muujinaya doorka sii kordhaya ee Soomaaliya ay ku leedahay kubadda cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika.
CECAFA Kagame Cup ayaa ka mid ah tartamada muhiimka ah ee gobolka, iyadoo ay ka qeyb qaataan kooxaha dalalka xubnaha ka ah Golaha Xiriirrada Kubadda Cagta Bariga iyo Bartamaha Afrika.
Tartanka ayaa sidoo kale fursad u ah horumarinta ciyaartoyda, tababarayaasha, garsoorayaasha iyo maamulka kubadda cagta ee dalalka gobolka.
Guud ahaan, ka qeybgalka Soomaaliya ee heerarka kala duwan ee tartanka 2026 ayaa sare u qaadaya muuqaalka iyo khibradda xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee kubadda cagta gobolka, gaar ahaan garsoorka iyo maamulka ciyaaraha.