Saint Petersburg, Ruushka – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa magaalada Saint Petersburg kulan laba-geesood ah kula yeeshay Wasiirka Dhaqanka Federaalka Ruushka, Marwo Olga Lyubimova.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Ruushka ee dhinaca dhaqanka, iyadoo labada dhinac ay si gaar ah uga wada hadleen ilaalinta iyo horumarinta hidde-dhaqameedka, farshaxanka, suugaanta iyo tiyaatarrada.
Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay cilmi-baarista dhaqanka, is-dhaafsiga khubarada iyo fanaaniinta, iyo horumarinta xarumaha dhaqanka ee labada dal.
Labada Wasiir ayaa isla soo qaaday dardargelinta is-afgaradka iskaashiga dhaqanka ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyo sidii loo hirgelin lahaa barnaamijyo iyo mashaariic wax-ku-ool ah oo ka qayb qaata horumarinta iyo kobcinta dhaqanka.
Wasiir Cabdifataax Qaasim ayaa adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya siinayso dhaqanka iyo farshaxanka, isagoo tilmaamay in dhaqanku door muhiim ah ka qaato ilaalinta aqoonsiga qaranka, isku-xirka bulshada iyo xoojinta xiriirka shacabka labada dal.
Dhankeeda, Wasiirka Dhaqanka Ruushka Olga Lyubimova ayaa muujisay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka hay’adaha dhaqanka ee Soomaaliya iyo Ruushka, iyadoo ballanqaadday in la sii xoojin doono wada-shaqeynta iyo taageerada labada dhinac.
Kulankan ayaa qayb ka ahaa kulamada Wasiirka Warfaafinta uu la qaadanayo madaxda iyo masuuliyiinta ka qaybgalaya Madasha 12-aad ee Caalamiga ah ee Dhaqamada Midoobay, oo sanadkan lagu qabtay magaalada Saint Petersburg ee dalka Ruushka.