U bood dhigaalka

Xarunta SNAIC oo qabatay kulan dood-cilmiyeed looga hadlay mustaqbalka Garaad Gacmeedka Soomaaliya

Oktoobar 2, 2026

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed (SNAIC) ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed (JUS) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan dood-cilmiyeed (Roundtable) oo diiradda lagu saaray mustaqbalka Garaad Gacmeedka Soomaaliya iyo sidii loo dhisi lahaa aasaas adag oo dalka u suurtageliya ka faa’iidaysiga fursadaha ay teknolojiyadda Garaad Gacmeedku bixiso.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday jaamacadaha, shirkadaha teknoolojiyadda iyo hay’ado kale oo daneynaya horumarinta Garaad Gacmeedka, kuwaas oo is dhaafsaday aragtiyo iyo talooyin la xiriira sidii Soomaaliya u yeelan lahayd hannaan isku-dubbaridan oo lagu horumarinayo aqoonta, cilmi-baarista iyo adeegsiga Garaad Gacmeedka.

Doodaha kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray shan arrimood oo muhiim u ah horumarinta Garaad Gacmeedka Soomaaliya. Qodobka koowaad wuxuu ahaa dhisidda xarumo iyo xafiisyo u gaar ah Garaad Gacmeedka, kuwaas oo door ka qaadan kara isku-xirka hay’adaha, jaamacadaha, cilmi-baarayaasha iyo qaybaha gaarka loo leeyahay.

Qodobka labaad ayaa ahaa dejinta siyaasado iyo hannaan hagaya adeegsiga mas’uuliyadda leh ee Garaad Gacmeedka, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo in horumarka teknoolojiyaddu uu la jaanqaado ilaalinta xogta, amniga, asturnaanta iyo danaha bulshada.

Sidoo kale, ka qeybgalayaashu waxay xoogga saareen kor u qaadidda aqoonta Garaad Gacmeedka, gaar ahaan in la ballaariyo fahamka bulshada, ardayda iyo xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee ku saabsan teknoolojiyaddan iyo fursadaha ay u abuuri karto waxbarashada, ganacsiga iyo adeegyada bulshada.

Doodda ayaa sidoo kale lagu soo qaaday baahida loo qabo soo saarista khubaro Soomaaliyeed oo heer sare ah, si dalka uu u yeesho aqoon iyo awood gudaha ah oo uu kaga shaqeyn karo cilmi-baarista, horumarinta iyo hirgelinta xalalka ku saleysan Garaad Gacmeedka.

Qodobka shanaad ee kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo isku-xirka dhinacyada kala duwan, iyadoo la tilmaamay muhiimadda ay leedahay in jaamacadaha, dowladda, shirkadaha teknoolojiyadda, cilmi-baarayaasha iyo hay’adaha kale ay yeeshaan wadashaqeyn joogto ah oo lagu horumarinayo Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale fursad u noqday ka qeybgalayaasha inay soo bandhigaan aragtiyo, talooyin iyo khibrado la xiriira jihada uu qaadan karo horumarinta Garaad Gacmeedka Soomaaliya.

Doodaha ka dhashay kulanka ayaa xoojinaya baahida loo qabo qorshe mideysan oo isku xiraya waxbarashada, siyaasadda, cilmi-baarista, hal-abuurka iyo baahiyaha suuqa shaqada.

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed ayaa kulankan u aragta fursad lagu xoojinayo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan iyo sidii loo abuuri lahaa madal joogto ah oo lagu falanqeeyo arrimaha la xiriira Garaad Gacmeedka iyo doorkiisa mustaqbalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-dhaafsi aragtiyo iyo talooyin ku wajahan sidii Soomaaliya ay u horumarin lahayd awooddeeda aqooneed iyo farsamo ee Garaad Gacmeedka, iyadoo la adkeynayo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha waxbarashada, dowladnimada, ganacsiga iyo bulshada.