U bood dhigaalka

Masar, Soomaaliya, Suudaan iyo Eritrea oo heshiis ku gaaray xoojinta iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya

Oktoobar 4, 2026

El Alamein, 4 Oktoobar 2026 — Madaxweynayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan ayaa magaalada El Alamein ku yeeshay shir-madaxeed afargeesood ah oo diiradda lagu saaray xaaladda gobolka, amniga, madax-bannaanida dalalka iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale iyo siyaasadeed.

Shirkan oo uu martigeliyay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi, ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Golaha Madaxbannaanida Ku-meelgaarka ah ee Suudaan Cabdifataax Al-Burhaan.

Madaxdu waxay isku raaceen muhiimadda ay leedahay dhowrista madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo xasilloonida dalalka gobolka, iyagoo sidoo kale diiday faragelinta arrimaha gudaha iyo taageerada kooxaha ama hay’adaha ka hor imanaya hay’adaha dowladeed ee rasmiga ah.

Soomaaliya oo taageero cad heshay

Arrinta Soomaaliya ayaa si gaar ah uga mid ahayd qodobadii muhiimka ahaa ee shir-madaxeedka. Afarta dal ayaa ku adkeystay taageerada midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo wiiqi karta arrimahaas, gaar ahaan aqoonsiga waxa loogu yeero “Somaliland.”

Madaxdu waxay sidoo kale taageereen dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee la-dagaallanka argagixisada iyo xoojinta awoodda hay’adaha dowladda si ay uga hawlgalaan dhammaan dalka.

Waxaa sidoo kale baaq loo diray saaxiibbada gobolka iyo beesha caalamka in la siiyo AUSSOM maalgelin ku filan, waarta oo la saadaalin karo, si howlgalka Midowga Afrika uu u guto waajibaadka loo igmaday.

Badda Cas iyo webiga Niil

Shirku wuxuu sidoo kale diiradda saaray muhiimadda xorriyadda isu-socodka maraakiibta iyo in maamulka iyo amniga Badda Cas ay door muhiim ah ku leeyihiin dalalka xeebaha ku leh.

Dhanka kale, madaxdu waxay adkeeyeen in dhammaan dalalka ay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee maamula isticmaalka webiyada xuduudaha ka gudba, gaar ahaan webiga Niil.

Waxay carrabka ku adkeeyeen mabaadi’da ah inaan waxyeello loo geysan dalalka kale, iyo in arrimaha biyaha lagu xalliyo wargelin, wadatashi iyo isku-raac, iyagoo diiday tallaabooyin hal dhinac ah oo waxyeello u geysan kara danaha dalalka ku yaalla qaybta hoose ee webiga Niil.

Ugu dambeyn, madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo wadatashiga iyo isku-duwidda joogtada ah ee afarta dal, iyadoo la horumarinayo xiriirka siyaasadeed, dhaqaale, ganacsi iyo dhaqan, si loo gaaro xasillooni iyo horumar waara oo gobolka ah.