U bood dhigaalka

25 Diyaarad Oo Qaad Sida Ayaa Maanta Soomaaliya Yimid

Sheeko:Dalka, War

Sida uu sheegay Kimathi Munjuri oo ah afhayeenka ganacsatada qaadka ee Nyambene Miraa Traders Association (Nyamita), waxaa maanta oo Khamiis ah Soomaaliya soo gaaray ilaa 25 diyaarad oo qaad u sidey ganacsato Soomaaliyeed.

Arbacadii oo aheyd maalin kadib markii xayiraadda la qaaday waxaa dalka yimid 2 diyaarad oo keliya, laakin maanta waxaa muuqata in baahida ay zaa’id noqotay.

Afhayeenka waxaa uu sidoo kale sheegay in khasaaraha qaadka ee todobaadka xayiraadda jirtay uu gaaray ilaa Sh500 million.

Inkasta oo dowladda Soomaaliya xayirtay qaadka hadana 5 diyaarad ayaa dalka qaad keentay todobaadkii hore kuwaas oo ka degay magaalooyinka Galkacyo, Laas Caanood, Boosaaso iyo Beledweyn.

Goobjoog News