U bood dhigaalka

250 askari oo Muqdisho tababar loogu soo xiray

Sheeko:War

Ciidamo gaarayo 250 askari oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa tababar ku saabsan dagaalada magaalooyinka dhexdooda iyo ilaalinta xuquuqul insaanka oo socday muddo 5 todobaad ah loogu soo xiray magaalada Muqdisho.

Munaasabadda waxaa ka qeyb-galay saraakiil sar-sare oo ka socotay Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Saraakiil matalayay Midowga Yurub, Taliyaha Ciidanka  AMISOM iyo saraakiil kale oo ka tirsan howl-galka nabad ilaalinta midowga Africa.

Brigadier Janaraal MASSIMO MINGIARDI oo ah madaxa hogaanka Tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in tababarada noocaan oo kale ah ay uga goleeyihiin in sare loo qaado xirfada iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka hogaan ahaan uu balan qaaday in ay sii wadayaan dar dar galinta tababaradani.

Munaasabadda ayaa shahaadooyin la gudoonsiiyay askartii tababarka dhameysatay taasi oo muujinaysa in askariga wata shahaadadaasi uu qaatay tababar la xiriira xirfada gaar ahaaneed.

Tababaradani ayaa lasheegay iney kor u qaadi doonaan xirfada tababar ee Ciidanka Xoogga dalka, taasi oo qeyb ka ah dadaalada dib u soo celinta heybadii iyo sharafta ciidanka Soomaaliya uu lahaan jiray.