U bood dhigaalka

26-ka Kursi ee Dhimman La’aantood, Mala Qaban Karaa Doorashada Guddoonka iyo Madaxweynaha?

Sheeko:Baarlamaanka

Hadda oo ay xulan yihiin baarlamaanka federaalka ah ilaa 249 xildhibaan oo golaha shacabka ah iyo 54 Senator oo aqalka sare, isla markaana ay Dokomentiyadii xildhibaannadaasi ay SEIT ku wareejiyeen FEIT hadana weli lama asteyn goorta la qabanayo doorashada guddoonka labada aqal iyo doorashada madaxweynaha.

Maamullada ayaa gudbiyey guud ahaan 244 xildhibaan, Puntland ilaa 48 xildhibaan oo labada aqal ayey gudbisay, Galmudug 45 xildhibaan, Koonfur Galbeed 77 xildhibaan, Jubbaland 35 xildhibaan iyo Somaliland ama gobollada waqooyo oo gudbiyey 57 xildhibaan, iyada oo aan weli aan la gudbin 5 xildhibaan oo Banaadir ah iyo 26 xildhibaan oo ku dhimman Jubbaland(16) iyo Hirshabelle(10).

Tallaabo u muuqato mid laga socon doono kuraasta xildhibaannada harsan haddii ay waqtiga ay kadib dhacaan, ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Rooble ayaa Arbacdii kulan la yeeshay xog-heyeyaasha guud ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya Cabdikarim Buux(Golaha shacabka) iyo Cali Jaamac(Aqalka sare), isaga oo kala hadlay diyaar-garowga dhaarinta xildhibaannada labada aqal, si waafaqsan jadwalka uu soo saaray guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT.

Haddaba, si aan dhankooda uga ogaanno, sida ay tahay  qorshaha guddiga doorashada dadban ee maalmahan soo socda, mise ka socon karaan kuraasta dhamman haddii ay ka dib dhacaan waqtiga ay qabteen, waxaan su’aalahaas hordhignay afhayeenka guddiga doorashooyinka FEIT.

 Axmed Aadan Safiina oo aan wax ka weydiinay qorshaha guddiga ee kahor waqtiga ay qabteen ee April 14 ayaa sheegay in hadda ay qabteen dokomeyntiyada, isla markaana ay dhinaca kale wadaan dooashada xubnaha baarlamaaka ee Hirshabelle, isaga oo rajo ka muujiyey in dhowaan lasoo gabagabeyn doono 26-ka kursi ee hartay.

“Waxaa isku dhex wadi doonaa qabashada araajiyada iyo doorashada xildhibaannada, Hirshabelle ayaan dhameyn doonaa, Gedana wada hadal ayaa socdo, iyada waxaan filaa in mar dhow la xaliyo”.

Mar aan weydiinay haddii mudadda ay qabteen ee 14-ka April, 2022-ka  kahor ay doorashada baarlamaanka ku dhammaan weyso iney ka socon doonaan kuraasta hartay, la guda geli karo doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka ah iyo in kale waxaa uu ku jawaabay “ Kooramka wax lagu dooran karo waa uu buuxaa, oo doorasho haddaba waa la qaban karaa, laakin haddii ay ka dib dhacdo waqtiga loogu talogalay madasha ayaa leh wixii go’aan siyaasi ah, iyaga ayaan kula laaban doonaa,  innaguse waxaan rajo ka qabnaa in aan laga tagin deegaan”.

Dowladda Mareykanka oo ka tirsan maalgeliyeyaasha doorashada dadban iyo dalal kale oo reer galbeed ayaa taageeray go’aanka guddiga doorashada dadban ee FEIT, ee dhigaya in 14-ka bisha soo socota la dhaariyo xubnaha baarlamaanka federaalka ah.

Doorashada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo jiitameysay tan iyo August sanadkii hore, waxaana horay loogu hungoobay waqtiyo badan oo loo qabtay gebagabada, lamana ogana in hadda lagu soo afjari doono kahor xilliga la qabtay iyo iney noqon doono ballan kale oo laga baxay.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye