U bood dhigaalka

Senator Abshir Bukhaari Oo Iska Casilay Guddoomiyennimada Goobjoog Media Group

Sheeko:Baarlamaanka

Senator Abshir Axmed Maxamed(Bukhaari) ayaa war Saxaadafeed uu soo saaray December 31, 2016-ka ku sheegay in uu iska casilay xilka madaxa ugu sareeya ee Goobjoog Media Group isagoo kaalintiisa ku soo koobey ka mid ahaanshiyaha Board-keeda si tallooyin uga dhiibto markii loo baahdo.

Mr. Bukhaari, waxaa uu sidoo kale, waraqadda iscasilaadda ku sheegey in uu arrintaas uga gol leeyahay ka fogaanshaha isku dhaca shaqooyinkeeda iyo hawlmaalmeedka xilkiisa cusub.

Abshir Bukhaari oo October 15-keedii sanadkan noqdey senatorkii ugu horeeyay ee abid Soomaaliya yeelato ayaa is casilaadda ku saleeyay in si uu waqti ugu helo xilka cusub iyo in uu u adeego bulshada iyo dadka uu aqalka baarlamaanka u matalo ee Galmudug.

Senator Abshir Axmed waxaa uu Goobjoog Media bilaabay muddo 4 sano laga joogo, isagoo ku bilaabey Idaacad, maanta waxaa uu ka tagayaa xilka Goobjoog Media iyada oo uu maalin ka hor xariga ka jaray Telefishan, waxaa intaa dheer4 Idaacad oo ku kala taqasusay Siyaasadda, Dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Sportiga, waxaa intaa dheer Websit-ka Goobjoog News.

Agaasimaha Goobjoog Media Group Xasan Maxamud Maxamed  oo ka hadlay xilka uu ka tagista  Mr. Abshir Bukhaari ayaa waxaa uu ammaaney maamul wanaagga iyo hormuudnimada uu Goobjoog Media Group ku hogaaminayey mudadii uu guddoomiyaha ahaa.

Xasan oo sii hadlayey waxaa uu guddoomiyihii hore ku sheegay mid har iyo habeen u soo jeeday horumarinta Goobjoog Media.

“Waxaan ku xasuusan doonaa howl-badan, dhiirgelin joogta ah, cadaadis la’aan iyo in uu Goobjoog Media Group ka dhigey warbaahinta koobaad ee Soomaaliya” ayuu agaasimaha Xasan Maxamud hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.

Goobjoog News