U bood dhigaalka

8 Cisho Oo Ka Hartay Doorashada Madaxweynaha, Halkeey Wax Marayaan?

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa muddo 8 maalin ah ay ka hartay maalintii loo asteeyay in la qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, taas oo waqti dheer soo jiitamaysay.

Doorashadaan oo ay illa iyo hadda isku soo taageen in ka badan 15 musharax ayaa waxaa maalinta berri ah ee Axadda la filayaa in ay bilaabato tiiwaan gelinta iyo shahaado siinta rasmiga ah ee musharixiinta dooneysa in ay u tartamaan xilka ugu sareeya dalka.

Siyaayisiin xilal kala duwan horay dowladda uga soo qabtay iyo kuwa ku cusub saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka ayaa todobaad kadib isku herdin doonna loolanka hanashada xilka madaxweynaha.

Muqdisho oo ay inta badan ku sugan yihiin musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalka ayaa waxaa ka socda kulama iyo shirar gooni gooni ah oo u dhaxeeya musharixiinta iyo xildhibaannada labada aqal.

8 illa 10-ka bisha ayaa la filaya in ay guddiga doorashada madaxweynaha ay musharixiinta soo dhameystirta shuruudaha laga rabo ay siiyaan shahaadooyinkooda.

11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sikastaba doorashada madaxweynaha ayaa la qabanayaa 15-ka bisha May, oo sidoo kale ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobannimada doonka SYL.

Goobjoog News