U bood dhigaalka

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Hadlay Amarrada Garoomada Cayaaraha

Sheeko:Dalka, War

Maamulka gobolka Benaadir ayaa sheegay in uu sugi-doono ammaanka guud ee gobolka, Guddoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Cabdullahi Tuulax oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maamulka gobolka ay diyaar u yahiin sugidda amniga gobolka Benaadir.

Tuulax ayaa  dhanka kale beeniyey in amarro ka soo baxay Al-shabaab ay ka dhaqan galeen gudaha Muqdisho. Kuwaasi oo ay ku soo rogeen garoomada lagu ciyaaro ee loo yaqaanno Sallaxyada.

“Warka sheegaya in Al-shabaab ay ku soo rogeen garoomada ciyaaraha waa been, xalay waxaan tagnay degamada Juungal dadka caadi ayey ahaayeen meelaha lagu dheelo banooniga waa ay furnaayeen, waxaan rabaa in aan u sheego shacabka degan degamooyinka gobolka in kaalintooda ay maniga ka qaataan”.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka gobolka Benaadir ayaa ku soo aadaya xilli todobaadkan gudahiisa ay Al-shabaab sida la sheegay ay amarro ku soo rogeyn goobaha lagu ciyaaro kubadda cagta.

Goobjoog News