Sawirro: Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Eritrea oo Muqdisho Soo gaaray
Sheeko:Dalka

Waxaa goordhow garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho soo gaartay wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka jaarka nala ah ee Itoobiya iyo Eritrea.
Dr Workneh Gebeyehu oo Itoobiya ka socda iyo Cusman Saleh oo Eritrea ah, waxaa soo dhoweeyey dhiggooda Soomaaliya Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad.
Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.
Goobjoog News