U bood dhigaalka

Aamino Maxamed iyo Jamaal Maxamed oo Nairobi Ku Kulmey

Sheeko:Caalamka

Safiirka cusub ee dowladda Soomaaliya u magacoowdey Kenya Jamaal Maxamed ayaa xafiiskeeda kula kulmey Aamino Maxamed oo ah wasiirka arrimaha dibada Kenya

Kulankani ayaa salka ku hayay sidii waraaqihiisa safiirnimo looga qaabili lahaa, islamarkaasina uu kaga guddoomi lahaa madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Waxaa kale oo labada mas’uul ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, iyada oo dhawaan dowladda Soomaaliya ay sheegtey in ay ku adkeysanayso dacwadda maxkamadda adduunka ee ay Kenya ka gudbisey.

Jamaal ayaa badalaya Maxamed Cali Ameeriko oo muddo dheer ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya, kaasi oo dhawaan xilkii laga qaaday.

Jamaal waxa uu ka mid ahaa dhawr safiir oo dowladda ay markaliya magacoowdey bilo ka hor, hase yeeshee waxaa kaliya la aqbalay isaga iyo safiirka Ciraaq, halka safiiradii kale aanan wali la aqbalanin.

Safiirka aanan wali la aqbalin waxaa ka mid ah Jamaal Baroow oo horey wasiir usoo noqdey, loona magacaabay dalka Koonfur Afrika iyo Faadumo Cabdullaahi Insaaniya oo loo magacaabay dalka Mareykanka.

Sida uu yahay qaanuunka dublamaasiga ah, dowladda safiirka loo dirayo ayaa xaq u leh in ay aqbasho ama diido safiirka loosoo magacaabay, iyada oo haddii 3 bilood ka badan ay kasoo jawaabi weyso magacaabista in ay aqbasho ay taasi ka dhignaan karto diidmo.

Laakiin dowladda federaalka ayaanan wali xilalkaasi cid kale u magacaabin, iyada oo wali ka dhur sugeysa dowladaha ay safiirada u direyso oo ay xitaa ka mid tahay dowladda saaxiibka dhow ah ee Sucuudiga

Goobjoog News