U bood dhigaalka

Abiy Ahmed Oo Fariin Adag Ka Soo Diray Jiidda Hore Ee Dagaalka

Sheeko:Caalamka

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa baahisay muuqaallo uu ra’iisul wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed isaga oo xiran dharka ciidanka kuna sugan furimaha hore ee dagalka.

Abiy oo afar maalmood ku qaadanaya afka hore ee dagaalka ayaa sheegay in jabhadda TPLF ay kala wareegeen deegano fara badan oo ay horay ugu sugnaayeen kuwaas oo ka tirsan gobalka canfarta.

Gobalka Tigray ayaa dhamaan laga mamnuucay Warbaahinta madaxa banaan taas oo xukuumadda Abiy ku eedeysay in ay wadaan fidinta warar aan sal iyo raad laheyn, waxaa sidoo kale jaray qadka internet-ka ee Tigray.

Gelinkii dambe ee Khamiista, dawladda Itoobiya ayaa soo saartay amar ay ku doonayso in lagu xaddido baahinta wararka dagaalka, iyada oo mamnuucday in la wadaago macluumaadka aan rasmiga ahayn ee dhaqdhaqaaqyada militariga la xiriira.

Waxaa weli soconaya Dadaallo dhexdhexaadin ah oo ay wadaan Maraykanka iyo Midowga Afrika oo lagu raadinayo xabbad joojin iyo wadahadal ayaa soo baxaya in labada dhinac ay xalka u soo dhawaanayaan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa labada dhinac horay ugu eedeyay in ay geeysteen falal ka dhan ah bini’aadanimada oo ay ku jiraan Kufsi, jirdil iyo dilal aan loo meel dayin.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News