U bood dhigaalka

Abiy Axmed Oo Gaaray Qaahira

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, halkaasi oo uu booqasho ku joogi doono muddo labo Cisho ah.

Abiy Axmed ayaa safarkiisa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa waxaa uuna la kulmi doonaa  Cabdifitaax Al-siisii iyaga oo ka wadahadli doona arrimaha ku saabsan biyo xireenka Webiga Niil.

Abiy Axmed ayaa Qaahira gaaray ka dib markii uu soo maray dalka Ugandha, halkaasi oo uu soo joogay labo maalmood waxayna kulmeenYoweri Museveni iyaga oo ka wadahadlay waddooyinkii lagu xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo midka siyaasadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

Booqashada uu ku tagay ra’iisulwasaaraha Itoobiya Qaahira ayaa ah tii ugu horreysay oo uu ku tago dalkaasi tan iyo markii uu qabtay xilka ra’iisulwasaarnimo bilowgii Apriil ee tagtay.

Goobjoog News