U bood dhigaalka

Abiy Oo Carabta Ku Yiri : Carabiga Nabara Diinta Islaamka Oo Saxda Ah Ayaa Idin Bareynaa

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka dalbaday dhaxal Sugaha Abu Dubai Mohammed bin Zayed in ay baraan Luqadda Carabiga si Itoobiya ay diinta u barto dalalka Carabta ah.

Abiy ayaa yiri “Ma idin kaga baahnin inaad na bartaan diinta Islaamka, waad lumiseen waxaan idin ka dooneynaa in aad si dhaqso ah nagu bartaan Luqadda Carabiga, si aan Islaamka ugu Fahanno si sax ah, si aan idinka idin kugu soo celinno wadada saxda ah.

Hadalkan ayuu Abiy Axmed ka jeediyay Munaasabad lagu aas-aasayay Machad Islaami ah isaga oo Carabta u sheegay in aysan uga baahneyn in ay baraan diinta balse ay uga baahanyihiin oo kaliya barista Luqadda Carabiga.

Abiy Axmed waxaa uu ka hadlay Taariikhda uu Islaamka ku leeyahay dalkiisa, waxaa uu tilmaamay in haweyneydii ugu horreysay oo nuujiso “N.N.K.H’ in ay aheyd Barkah oo xabashi aheyd.

Abiy ayaa sidoo kale sheegay in Mu’adinkii Islaamka ugu horreeyay uu ahaa Bilaal oo isna ka soo jeeday Xabashida, waxaa uu hoosta ka xariiqay in Xabashida ay aheyd dalkii ugu horreeyay magangelyo siiya Asxaabtii Nabiga “N.N.K.H”, markii ay dhib kala kulmeen reer Makah ayna u cadaabi jireen diintooda darteed.

Ugu dambeyn waxaa uu xusay Abiy in Xabashida ay diiday in ay qureysh ka qaadato laaluush ayna soo celiso Asxaabtii Nabiga N.N.K.H, isaga oo sheegay in Islaamka uu Taariikh dheer ku leeyahay Itoobiya Muslimiintana ay yihiin ka qeyb ka mid ah nudayaasha bulshada Itoobiya.

Goobjoog News