U bood dhigaalka

Abiy: Waxaa Jiray Dad Caddaan Iyo Madow Isugu Jiray Oo Ka Garab Dagaallamay TPLF

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay magaalooyinka  Dessie iyo Kombolcha  oo ay qabsadeen xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kooxda kula jiraan ay qeyb ka yihiin gacma shisheeye oo garabsiinaya Tigrayga.

Abiy oo ka soo muuqday warbaahinta ayaa xilli uu khudbad u jeedinayay mas’uuliyiinta xukuumaddiisa si cad u sheegay in dagaalka uu sii balaaranayo.

“Waxaa jiray dad caddaan iyo madow isugu jiray oo ka garab dagaallamay xooggaga TPLF, kuna dhintay dagaalka,” ayuu yiri Abiy.

Xoogagga TPLF ayaa sheegay in dagaalka ay kala barbar dagaalamayaan dhankooda qowmiyadda Oromia oo ka mid ah qowmiyadaha ugu tirada badan dalka Itoobiya dad ahaan.

Abiy Ahmed iyo xukuumaddiisa ayaa wajahaya dagaalkii ugu adkaa sanad kadib markii dalka Itoobiya uu dagaal ka bilaabmay.

Oromia iyo Tigray ayaa dhankooda sheegay in u jiheeysteen Adis ababa qorsheynayaanna in dalka ay kala wareegaan xukuumadda Abiy.

Goobjoog News