U bood dhigaalka

Abiy: Waxaan Tagaya Jiidda Hore Ee Dagaalka, Si Ay Taariikhda Noo Xusto

Sheeko:Caalamka

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa sheegay in uu tagayo jiidda hore ee dagaalka lagula jiro kooxda TPLF.

Abiy ayaa xusay in uu socdaal laba maalin ah ku qaadanayo jiidda hore ee dagaalka isagoo hogaaminayo ciidamada dowladda Itoobiya.

“Laga bilaabo maalin, waxaana tegaya jiidda hore ee dagaalka aniga oo hoggaaminaya ciidamada difaaca” ayuu yiri Abiy .

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale qoraalkan oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in loo baahan yahay dagaalka si wada jir ah in loogu kaco si taariikhda Itoobiya ay u xusto naftood hurayaasha.

“Kuwa doonaya inay kamid ahaadaan carruurta Itoobiya, kuwaas oo ay xusi doonto taariikhda, maanta u kaca dalkiina, aan ku kulanno furriinta hore ee dagaalka” ayuu yiri ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News