U bood dhigaalka

Abshirow oo Ku Guulaystay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Ee Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa goordhow soo ildlaatay doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee federalka Soomaaliya, waxaana ku tartamay Mahad Cabdalla Cawad iyo Cabdullaahi Abshirow.

Doorashada oo aheyd wareegii labaad ayaa waxaa uu Abshirow ku guulaystay codad ka badan 140 cod, waxaana dooorashada guddoonka golaha shacabka kusoo baxay shakhsiyaad siweyn uga soo horjeeda fikirka Farmaajo.

Golaha shacabka  ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay hadda doortay guddoonka, waxaana hortaallo shaqo adag oo ay ugu horayso qaban qaabada iyo qabashada doorashada madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka.

Goobjoog News