U bood dhigaalka

Abukaate Xalane: Sharciga Halagu Dhammeeyo Khilaafka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Abuukaate Cali Xalane oo ka mid ah qareennada Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, wuxuu sheegay in muhiim ay tahay in la raaco sharciga si loo soo afjaro Khilaafka Golaha Shacabka ka dhax taagan.

Waxa  uu tilmaamay in sharciga xal aan ahayn aanu wanaagsaneyn, islamarkaana arrinta kale ee wax lagu xallin karo ay tahay oo  kaliya in xildhibaannadii mooshinka keenay ay dib u laabtaan.

“Marka la eego sharciga waa in la raaco qaanuunka haddii uu jiro qodob sheegaya is qabsiga daawada…dalka wuxuu leeyahay sharci, sarreyntana waxaa leh sharciga oo cid walbo ka sarreeya haddii uu jiro qodob qaanuuni ah oo sheegaya in lasoo jeediyo mooshin waa in la raacaa, ciladda meesha ka jirta ayaa waxay tahay in cidda mooshinka keentay in ay ka noqoto waa suurtagal, laakiin tan marka la eego waa ay kasii adkaaneysaa sababtoo ah waxaa laga hadlayaa masiirkii umadda” ayuu yiri abukaataha.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka ayaa mooshin buuq dhaliyey ka keenay guddoomiyaha golaha shacabka, iyadoo golaha Laba garab u kala jabay.

Waxaa soconaya dedaallo badan oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafkan ka dhex jira xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Goobjoog News