U bood dhigaalka

Addis Ababa: Lix iyo Toban Ka Mid Ah Shaqaalaha QM Oo La Xiray

Sheeko:Caalamka

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Lix iyo toban ka mid ah shaqaalaheeda lagu xiray magaalada Addis ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Stephane Dujarri, oo ah afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay ayaa warbaahinta u sheegay in QM ay la shaqeyneyso dowladda Itoobiya si loo sii daayo howla wadeenadooda.

“Ma jirto, inta aan ogahay, wax sharraxaad ah oo nalaga siiyay sababta ay shaqaalahan u xiran yihiin,” ayuu sidoo kale warbaahinta u sheegay Afhayeenka u hadlay Qaramada Midoobay.

Itoobiya ayaa sidoo kale dhamaadkii bishii Sebtembar amartay in dalkeeda ay isaga baxaan todobo ka mid ah howl wadeenada Qaramada Midoobay oo ay ku eedeysay in ay faragelin ku hayaan arrimaheeda gudaha.

Tan iyo markii bishaan oo kale sanadkii hore dalka Itoobiya uu ka bilaabmay dagaalka u dhaxeeya TPLF iyo xukuumadda uu hogaamiyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waxaa soo baxayay baaqyo loo dirayo dowladda Itoobiya oo ku aaddan in dagaalka wadahadal lagu dhameeyo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Ned Price ayaa sheegay in Washington ay ka warqabto warbixinnada ku saabsan xarigga ayna u aragto inay kuwa caburin ah.

“Waxaan si cad u cambaareynay ceyrintii hore ee saraakiisha Qaramada Midoobay ee Itoobiya,  waxaan si la mid ah u cambaareyn dooneyna  xarigga xubnaha shaqaalaha Qaramada Midoobay ” Price ayaa u sheegay suxufiyiinta Talaadadii.

Xariga Addis Ababa ayaa daba socday markii lagu dhawaaqay lix bilood oo xaalad degdeg ah oo dalka oo dhan ah todobaadkii hore ka dib markii dagaalyahanada Tigreega iyo Oromada ay sheegteen horumarro waaweyn oo dhulka ah, taasoo sare u qaaday cabsida laga qabo inay socod ku tagaan Addis Ababa.

Kooxda TPLF iyo xulafadeeda, ciidanka Xoraynta Oromada (OLA) ayaa guulo kala duwan kasoo hooyay todobaadyadii lasoo dhaafay, iyagoo qabsaday magaalooyin qiyaastii 400km u jira caasimada, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay qorsheynayaan in ay dhawaan la wareegaan magaalada Caasimadda ah ee Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Goobjoog News