U bood dhigaalka

Afartii Kursi Ee Ugu Dambaysay Dhuusamareeb oo La Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa maanta lagu doortay afar  kursi,kuwaas oo ka tirsan  Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya, oo 18 cisho lagu daray waqtiga gabgabada

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#071 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdi Saabiri Nuur Shuuriye,  waxaana 80 cod uu uga guulaystay Siciid Khaliif Xirsi, oo 20 cod, waxaana kursiga mar kale kusoo laabtay Cabdisaabir oo ku fadhiyey aftii sano.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#137 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdirisaaq Aadan Warsame, kaas 92 cod kaga adkaaday musharrax Deeqo Maxamed Cabdalla, waxaana kursiga sidaas ugu soo baxay xildhibaan Cabdirisaaq Aadan.

3: Kursiga tirsigiisu yahay HOP# ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Farxiyo Maxamed Jeyte, taas 96 heshay, waxaa kula tartamaysay Dheeman Cali Xuseen, waxaana kursigaan ku fadhiyey Cabdullaahi Gaafow Maxamuud Baarlamaankii 10-aad.

4:Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 012 ayaa waxaa markale kusoo baxay xildhibaan Yuusuf Xayle Jimcaale oo horay ugu fadhiyey Baarlamaankii 10-aad 93 cod ayuu kaga guulaystay Caasho Cali Xabeeb oo aheyd musharraxa labaad ee kursiga.

May be an image of 2 people and people standing

Kurrsta maanta lagu doortay ayaa waxaa ay ugu dambaysay kuraasta Galmudug ee lagu doonayey magaalada Dhuusamareeb waxaana Galmudug ku harsan 13 kursi oo deegaan doorashadoodu ay tahay magaalada  Gaalkacyo ee  gobolka Mudud.

Goobjoog News