U bood dhigaalka

Afghanistan oo Lagu Dilay Suxufigii 50-aad ee Sanadkii 2020

Sheeko:Caalamka

Sida laga soo xigtay hey’adda Suxufiyiinta aan Xudduudda Lahayn ee loo soo gaabiyo “RSF” sanadkii dhammaaday ee 2020-ka waxaa dunida lagu dilay 50 ka tirsan shaqaalaha warbaahinta caalamka kuwaas oo siyaabo kala geddisan loo qaarajiyay.

Tiradda liiskan waxaa ugu dambeeyay Suxufi u dhashay dalka Afghanistan kaas oo la toogtay, dilka ayaa ka dhacay bartamaha magaaladda Ghor, rag hubeysan ayaa weerarkan fuliyay kuwaas oo aan heybtooda lagaraneyn goobta ayeyna ka baxsadeen markii ay dilka fuliyeen.

Wariyaha ayaa lagu magacaabaa Bismillah Aimaq, waxaa uu tifatire ka ahaa Idaacad maxali ah oo ku taal gudaha Aghanistan, asigoo noqonaya suxufigii 50-aad ee la dilay sanadkii hadda dhamaaday 2020-ka
Dadka u ololeeya xuquuqda Afqaanistaan ​​iyo dadka taageera dowladda ayaa sidoo kale lagu bartilmaameedsaday xaaladdo kala duwan oo la xiriiro dilal iyo beegsi.

Inta badan dhacdooyinka nuucaan ah ma sheegtaan kooxaha xagjir ah laakiin saraakiisha ayaa ku eedeeyay Taliban inay mas’uul ka tahay inta badan dilalka dhaca.

Dilkaan waxaa cambaareyay Qaramadda Midoobey Nato iyo Midowga Yurub.