U bood dhigaalka

AFRICOM iyo 36 Dal oo Afrika ah oo ka Shiray Amniga, Maalgeshiga, Shaqaaleysiinta iyo Mustaqbal mid ah

Sheeko:Caalamka

Shirkan oo ahaa mid loo qabtay taliyeyaasha waaxyada difaaca ee qaaradda Afrika ee 2022-ka ayaa halku dheg u ahaa “Maalgeshi mideysan si loo gaaro mustaqbal mideysan” Roma January 31-3 February 2022-ka.

Inta shirka uu socday waxaa xoogga lagu saaray xoojinta xiriirta, dhiirigelinta shirkadaha, in aragti mideysan laga yeesho mustaqbal leh aragti ay dalal kala duwan iskaashi, hadlgallo iyo shaqaaleysiin Afrika dhrxdeeda ah.

Gen. Stephen Townsend oo madax ka ah AFICOM oo goobta ka hadlay ayaa waxaa uu yiri “Sharaakada nagal dhaxeysa Afrika waa mid saxiibtinimo, waxaan si Wadajir ah uga hortagnaa caqabadaha amni ee na wada heysta iyo inaan gacan ka siinno sidoo kale caqabadaha siyasadeed iyo kuwa horumar”.

Shirka waxaa ay guddiyada xoogga saareen diyaargarowga dhibaatooyinka, waxqabadkooda iyo ka bogsooshada, khatarta ka dhanka ah amniga qaranka iyo sareynta sharciga, Ilaalinta hantida, saameynta tiknoolojiyadda iyo is shaqaaleynta Afrika dhexdeeda ah iyo arrimo kale.

Shirka inta uu socday waxaa kale oo la dhageystay Fowsiya Cabdi Cali oo madax ka ah haweenka iyo amniga caalamiga ee geeska Afrika iyo ku xigeenka hawlgalka isku dhanka ah ee ciidanka badda Adm. Christopher Grady.

Goobjoog News