U bood dhigaalka

Afrika Oo Yeelaneysa Suuq Ganacsi oo Xor Ah

Sheeko:Dalka, War

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay  gaaraan Magaalada Kigali si ay daaha uga rogaan mashruuca taariikhiga ah ee Aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, kaasi oo afrikaanka u ogollaanaya inay si xor ah isku dhexgalaan, una ganacsadaan.

Aagga ganacsiga xorta ah waa mid ka mid ah mashaariicda waa weyn ee fulinteeda la qorsheeyay inuu ku dhaqan-galo muddo toban sano gudahooda, taasi oo ujeedkeedu yahay isdhexgal dhammeystiran, waxaana barbar socon doona hindisooyinka kale ee la xiriira sida Suuqa keli ah ee gaadiidka cirka Afrika “Single African Air Transport Market”, Qabyo qoraalka Sharciga isu socodka xorta ah ee dadka “Protocol on Free Movement of Persons” iyo baasaboorka Afrika.

Shirmadaxeedka Kigali waxaa la filayaa in ay ka qeyb-galaan ku dhawaad 53 dal ee qaaradda Afrika, waxaana diiradda lagu saari doonaa sidii Afrika ay u yeelan laheyd suuqa ganacsiga oo xorta ah kaasi oo mideyn doonaa wax-soosaarka qaaradda.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Cawad oo ka qeyb-galay kulankii wasiirrada ee shalay dhacay waxaa uu sheegay sida dadka Soomaalida oo ganacsiga ku dheereeya ay diyaar ugu yihiin ka qeyb-galka suuqa xorta ah.

Shalay ayey aheyd markii Nigeria ay ku dhawaaqday in ay dib uga laabatay saxiixa heshiiskan, waxaa ayna sababta ku sheegtay in aan lagala tashan ururada shaqaalaha ee ka dhisan gudaha dalkaasi.

Goobjoog News