U bood dhigaalka

Ahlu-suna oo Afar Shardi ku Xirtay Hubka dhigista iyo Aqoonsiga Natiijada Cadaado

Wasaaradda arrimaha gudaha waxa ay sheegtey in ay wadahadal la furey ururka Ahlu Sunna Wal Jamaaca, islamarkaasina ay qeyb ka noqon doonaan shirka maamul u sameynta gobolada dhexe ee Cadaado ka socda, laakiin waa sidee aragtida Ahlu Sunna ee arrintaasi ku saabsan.

Goobjoog News ayaa weeydiisey guddoomiyaha sedexda gole ee Ahlu Sunna weeydiimaha ah goorta ay hubka dhigi doonaan, qeybna ka noqon doonaan dadaalada maamulka loogu dhisayo gobolada dhexe?.

Sheekh Ibraahim Guureye, Gudoomiyaha Sadaxda Gole (Golaha Taladda, Marjaca, iyo Fulinta) ayaa waxa uu sheegey in aqoonsiga shirka Cadaado iyo hub iska dhigista Ahlu Sunna si ay qeyb oga noqdaan maamulka la dhisayo in aysan ahayn arrin fudud, tahay mid ku xiran shuruudo.

Shuruudaha

Sheekh Ibraahim Guureeye waxa uu sheegey in illaa afar shuruudood oo waweyn oo ku xiranyihiin in aqbalaan shirka Cadaado

Arinka Koobaad: Heshiisyaddii la galay oo la fuliyo

Sheekh Ibraahim Guure, waxaa uu sheegay in ay jiraan heshiisyo dhex maray Ahlu-suna iyo dowladda laga soo bilaabo 2009, kuwaas oo aan waxba laga fulin sida uu sheegey, waxaana ka mid ah.

  1. Heshiiski 2009-kii ee Garoowe
  2. Heshiiskii Alhu sunna iyo Saacid
  3. Heshiiskii Caleemo Saarka Xasan Sheekh
  4. Heshiiskii Maamul u sameynta Gobolada Dhexe
  5. Heshiiskii Guriceel

Shardiga Labaada : Bixin Lacag Magdhaw ah

Sheekh Ibraahim Guure ayaa sidoo kale sheegay in ay dowladda u balan qaaday Ahlu sunna lacag dhan 5 Milyan oo Dollar oo Magdhaw ah, taas oo qeyb ka ah si Ahlu sunna hubka looga dhigo, kana mid noqdaan shacabka.

Guddoomiya ayaa intaa ku daray in Ahlu-suna rag badan ka dhinteen loona baahan yahay in magdhaw laga dhabeeyo si ay hubka u dhigaan.

Shardiga Sedexaad: Ka qeyb Galinta Maamulka Gobolada Dhexe

Sheekh Ibraahim Guure , waxaa kaloo uu sheegay in uu jiro in lagu heshiiyay in Ahlu-sunna laga qeyb galiyo talada iyo Maamul u sameytnta gobolada dhexe iyo in ay iska dhex arkaan natiijada.

Ahlu-suna waxaa ay ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii Gobolada dhexe ee July 30, 2014, waxaana muhiim ah in natiijada shirka Cadaado iska dhex arkaan si ay hubka u dhigto Ahlu Sunna.

Shardiga Afraad : Ka Qeybgalinta Talada Dalka

Ugu dambeyntii arrinta afraad oo ay hubka ku dhigi karto Suufiyada ayuu ku sheegay in Ahlu-suna ay wax ku lahaato taladda guud ahaan dalka sida xulista Gudiyda Qaran, dhismaha Baarlamaanka iyo Hiigsiga 2016-ka.

Goobjoog News