U bood dhigaalka

Ahlu Sunnah oo mar kale dhaliishay maamulka lagu midaynayo Mudug iyo Galgaduud

Sheeko:War

Guddoomiyaha guddiga talada Ahlu Sunnah Waljamaaca Sheekh Cumar Sheekh Cabduqaadir ayaa ku celiyay mar kale in dhabihii saxda ahaa aan loo marin maamul u samaynta gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sheekh Cumar waxa uu sheegay in maamulkaasi taladiisa aanay wax ku lahayn dadka ku nool gobolkaasi sida uu sheegayna dad gaar ah la gala tashanayo.

Intaa waxa uu warkiisa ku daray guddoomiyaha talada Ahlu Sunnah Waljamaaca in dhankooda aysan diidanayn in maamul loo sameeyo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Sheekh Cumar ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya oo gar-wadeen ka ah maamulkan ka dalbadanaya in ay  is bedel ku samayso qaabka hada ay wax u soconayaan.

Ahlu Sunnah Waljamaaca iyo maamulka Puntland ayaa talaabo qaldan ku tilmaamay shirkii dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga dhawaaqday Villa Soomaaliya, kaasoo ujeedadiisu ahayd  maamul loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.