U bood dhigaalka

Ajandaha Kalfadhiga 30aad ee Golaha Wakiilada Somaliland

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa si rasmi ah u furmay kalfadhiga 30aad ee Golaha wakiilada Somaliland Sabtidii 19.03.2016, iyadoo xubnaha golaha loo qeybiyay nuqul ka mid ah ajandaha guud ee kalfadhiga.

Wakiilada ayaa isugu yimid xarunta golaha ee magaalada Hargeysa iyadoo ay ka soo qeyb galeen xubno xildhibaanno ah oo gaaraya illaa 52 xubnood, waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha wakiilada Somaliland ee Cabdiraxmaan Max’ed Cabdillaahi (Cirro).

Kulankan ayaa xubnaha loogu qeybiyay ajandaha guud ee kalfadhiga 30aad, si ay u soo akhriyaan, waxaa kale oo shir guddoonka Golaha wakiiladu isku bedel xildhibaano ku sameeyey guddiyadii ay hore uga tirsanaayeen, waxaana sidaa lagu caddeeyay warqad ka soo baxday Guddoonka golaha oo xubnaha loo qeybiyay.

Ugu dambeyn guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiraxmaan Max’ed Cabdillaahi (Cirro) oo hadal kooban u jeediyay xubnaha wakiilada una sheegay iney ka soo baaraan dagaan ajanadaha guud ee kalfadhiga, waxaanuu ku dhawaaqay furitaanka kalfadhiga 30aad ee golaha wakiilada Somaliland.

Halkan Hoose ka Akhriso Ajandaha oo dhameystiran

20160322_171732-1 (2)

 

Goobjoog News