U bood dhigaalka

Ajendaha Rooble ee Imaaraadka: 7 Qodob oo ay Tahay inuu Hordhigo Abu Dhabi!

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhow u kicitimay dalka Imaaraadka halkaas oo ku tagayo booqasho tii ugu horeysay ee uu ra’isul wasaare Soomaaliyeed sameeyo 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Safarkan Rooble ayaa kusoo aadaya iyada oo uu aad xumaa xiriirka labada dal tan iyo April-2018 kolkaas oo Muqdisho ay la wareegtay $9.6 milyan ah oo ay leedahay Abu Dhabi taas oo uu ra’isul wasaare Rooble naftiisu raaligelin ka bixiyey, waxaa kale oo hadda isbadalay xiisaddii gobolka Khaliijka iyada oo ay heshiis gaareen Qatar iyo dalal kale oo uu Imaaraadka ku jiro, waxaa kale oo xusid mudan in Sacuudiga oo xulufo la ah UAE uu safiir usoo diray Muqdisho, arrimhaas oo lagu daro doorashada xilligan ka socota dalkeena ayaa xiisad gaar ah u yeeleysa booqashada.

Haddaba, Waxaan halkan kusoo gudbin doonaa 7 qodob oo ay ka tahay in Rooble Kala Hadlo Abu Dhabi:

1. Fududeynta Ganacsiga iyo Fiisaha: 4-tii sano ee tagtay, ganacsatada Soomaaliyeed ayaa culeys kala kulmay Imaaraadka, oo marriin muhiim ah u ahaa ganacsiga, fiiseyaasha iyo tashiilaadkii kale ayaa meesha ka baxay, oo adkaaday, waxaana la joogaa in Rooble uu safarkan uga faa’ideysto arrintaas, kalana hadlo madaxda dalkaas sidii Imaaraadka ay albaabada ugu furi lahaayeen ganacsatada Soomaaliyeed.

 2. Fududeynta Ganacsiga: Soomaaliya waxaa ay Imaaraadka u dhoofin jirtay xoolo, dahab iyo alaabo kale oo qiimo badan, oo ku kacayey ilaa 200 milyan oo doolar sanadkii, Rooble waa inuu safarkan kala hadlo Imaaraadka sidii ganacsatada Soomaaliyeed ay suuqyo cusub uga heli lahaayeen UAE.

3. Tababarka Ciidanka: Imaaraadka waxay joojiyeen tababar ay siin jireen ciidamada ku sugan Banaadir, iyaga oo horay u tababaray ciidamo ka badan 2407, oo lagu daray ilaa 2,000 oo Puntland ah,  uuna bixin jiray weliba mushaarkooda, waxaa intaas dheer in ay fureen saddex xarumood oo tobabar. Rooble waa inuu kala hadlo soo celinta adeeggaas.

4. Taageerada Caafimaad: Imaaraadka waxay xireen April 16, 2018 Isbitaalka Sheekh Zaa’id ee Muqdisho, waxaa si lacag la’aan ah maalin walba loogu daweyn jiray 200-300 oo ah bukaanno, waxaana ka hawlgeli jiray 40 qof oo Soomaali ah, 14 ka mid ah ahaayeen dhakhaatiir leh taqasusaaad kala duwan. Rooble waa inuu kala hadlo Imaaraadka soo celinta hawlahaas muhiimka u ahaa dadka.

5. Kabka Miisaaniyadda: Imaaraadka iyo Sacuudiga waxaa ay qeyb ka ahaayeen dalalka kabo miisaaniyadda Soomaaliya iyaga oo sidoo kale taageeri jiray dhismaha maamullada. Rooble waa in safarkan uga faa’ideysto soo celinta kabka miisaaniyadda, gaar ahaan sanadkan oo doorasho socoto.

6. Wax Kaqabashada Abaaraha: Imaaraadka waxaa ay xilliga Soomaaliya ka taageeri karaa wax kaqabashada arrimaha abaaraha, iyada oo 7 milyan ay dhibaato heyso, waxaana muhiim ah in Rooble uu arrinkaas kala hadlo Abu Dhabi.

7. Maalgeshiga:  Imaaraadka waxa ay maalgeshi ku sameysataa maamullada sida Somaliland iyo Puntland, iyada casriyeynayo dekadda Berbera oo ku bixisay  $442 million muddo 30 sano ah halka 30 sano kale ay dekadda Boosaaso,ku bixineyso  $336 million, waxaa la joogaa in Rooble uu UAE kala hadlo in Imaaraadka sida Turkiga oo kale ay toos ugu yimaadaan Muqdisho, taasi oo alaabka u furi karta dalalka kale ee Khaliijka.

Ugu dambeyntii, Rooble waa inuu mas’uulkiyad iska saaro in UAE uu kala hadlo sidii la isaga kaashan lahaa ladagaalanka argigixisada, joojinta dhoofka dhuxusha, ilaalinta madaxbannaanida Soomaaliya iyo arrimo kale.

W/Q: Cabdi Caziz Gurbiye