U bood dhigaalka

Akhiro: Maxay Kawada Hadleeh Ururada Bulshada Rayidka ah iyo Guddoonka Labada Gole Ee Baarlamaanka?

Sheeko:Baarlamaanka

Ururada bulshada rayidka ah ayaa kulmo gooni gooni ah la kala qaatay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo maalmihii dambe uu dhex yaallay khilaaf ka dhashay xeerarka doorashooyinka dalka.

Ururuuda ayaa kulankii hore la qaatay guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabraxmaan, labada dhinac ayaa  islula gorfeeyey arrimaha la xirrira doorashooyinka iyo halka golaha ay wax u marayaan .

Urururada bulshada rayodka ah ayaa sidoo kale la gulmar guddoomiyaha Aqlka sere Cabdi Xaashii iyo ku-xigeenkiisa 1-aad Abshir Maxamed Axmed, waxaana ay kala hadleen in muhiim ay tahaya in lahelo xasiilooni sisaasadeed oo la gaaro ka hor doorashada dalka ku soo wajahan ka hor ee Baarlamaanka iyo Madaxweynha.

Ururada bulshada rayidka ah ayaa waxaa ay qaadanayaan doorkooda dhexdhexaadin ee guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka oo muddooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf ka dhashay, arrimaha doorashooyinka, kadib markii golaha aqalka sare uu diiday xeerkii guddiga isku dhafka oo ay sheegeen inuusan aheyn kii ay horay.