U bood dhigaalka

Akhriso: Deynta Shiinaha Iyo Dhibaatooyinka Afrika Kala Kulanto

Sheeko:Caalamka

Tan iyo markii uu dhamaaday dagaalkii Qaboba ee adduunka intii u dhaxeysay 1945 illa iyo 1991-kii waxaa quwadaha adduunka ay bilaabeen In ay xoojiyaan baratanka iyo loolanka ay ugu jiraan dalalka qaaradda Afrika ee hodanka ku ah macaadinta iyo agabyada qaaliga.

Mareykanka  iyo Shiinaha oo hadda labada dal ee afrika ku bixinaya loolanka ugu badan ayaa saameyn ku yeeshay siyaasadaha iyo arrimaha gudaha dalalka ku teedsan qaaradda Afrika.

Shiinaha oo xooggiisa ugu badan ee saameynta dhaqaalaha ku bixiyay dalalka ku teedsan geeska Afrika ayaa sababay in dalal badan ay hadda la daalaca dhacaan sidii ay uga soo kabsan lahaayeen daymabaha iyo lacaha uu amaahiyay sanada ka hor.

Uganda waxa ay ka mid tahay dalalka deymaha ka qaatay shiinaha waxa ayna hadda halis weyn ay u gashay deymahii ay ka qaadatay dalkan dadka tirada badan.

Warbixin ay daabaceen wargeysyada dalka Uganda bilawgii todobaadkaan ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba Uganda lagala wareegayo garoonka keliya ee caalami ah ee ay leedahay ee Entebbe International Airport haddii ay bixin weyso daymaha uu ku leeyahay Shiinaha.

Sanadkii 2015-kii ayaa waddanka Uganda waxa uu deyn gaaraysa 207 milyan oo dollar ka amaahday Bankiga wax amaahiya ee Shiinaha ee Export-Import Bank of China oo magiciisa loo soo gaabiyo EXIM Bank, lacagtaas waxaa la socotay 2% dulsaar ah, waxaana hantidaasi ay Uganda sheegtay in ay ku ballaarinaysay garoonkeeda diyaaradaha ee Entebbe International Airport, iyadoo lagu ballamay in si yar yar ay u guddo muddo 20 sanadood ah, hase yeeshee Uganda waa ay ka soo bixi weysay bixinta lacagtaasi ay amaahatay.

Bishii Maarso 2021 waxaa lagu warramayaa in Uganda ay wafdi heer sare ah u dirtay magaallada Beijing ee Shiinaha waxanaa wafdigaa hor kacayay xubno ka socday Hay’adda Duulista hawada Uganda si ay Shiinaha ugala xaajoodaan qaabkii dib u eegis loogu sameyn lahaa heshiiskii amaahda ahaa ee ay horey u kala galeen oo Uganda ay ku guul darreysatay in waqtigii loogu talo galay iyo sidii loogu ballamay ay amaahdaa u yar yareyso.

Shiinaha ayaa qorshihii wafdigaasi ku gacan seyray, waxaana iyagoo niyad jabsan ay dib ugu soo laabteen magaalada Kampala.

Garoonka Entebbe Airport waxaa sanadkii isticmaasha 1.9 milyan oo rakaab ah, waxaana haatan uu qarka u saran yahay in ay Shiinuhu la wareegaan iyagoo u qaadanaya deyntii la kala saxiixday ee ay Uganda bixin weysay.

Ma ahan markii ugu horreysay ee Shiinuhu lacag uu dal amaahiyay oo bixin waayay uu beddelkeeda wax kale uga qaato, waxaana haatan ka hor waddanka Sri Lanka ee Asia uu 3 bilyan oo dollar ka amaahday Shiinaha, hase yeeshee markii Sri Lanka ay bixin kari weyay deyntaasi raagtay waxaa dowladda dalkaasi ay 2015-kii go’aamiyeen in uu Shiinaha deyntiisii beddelkeeda u qaato dekadda labaad ee ugu weyn waddanka Sri Lanka ee Hambanthota Harbour iyo sidoo kale dhul cabirkiisu gaarayo 6 Hiktar iyadoo shiinuhu ay dekaddaasi iyo dhulkaasi haysan doonaan muddo 99 sanadood ah.

Wadammo badan oo caalamka ah oo u badan kuwa soo koraya ee Afrika ayaa lacago badan ka amaahday Bank-yada Shiinaha, si ay ugu fushadaan mashaariicyo horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha jidad, khadad tareen, horumarinta dekado, garoommo diyaaradeed Iwm, balse marka ay bixin waayaan waxaa shiinuhu uu qiimeysanayaa deyntiisa, wuxuuna u qaadanayaa wax u dhigma sida sharcigu dhigayo.

Dalka aan deriska nahay ee Kenya ayaa isaguna deyn shiineys qoorta kula jira markii uu bixin kari waayay deyn uu ka qaatay Bankiga EXIM, taasoo gaareysay 1.4 Bilyan oo dollar oo loogu dhisay khad tareen oo  isku xira Nairobi illaa Naivasha.

Kenya oo ay ku adkaatay bixinta deynta Shiinaha iyo waqtigii loo qorsheeyay ayaa haatan wada hadal kula jirta bankiga Shiinaha bal si loo siiyo waqti dheeraad ah, hase yeeshee Shiineysku ciyaar ciyaartaa ma yeelaan, waxaana Kenya iyana ay halis weyn ugu jirtaa in mashaariicdii loo hor mariyay qaarkood uu shiinuhu la wareego. Waa deyntaydii isii ama waxaan u qaato beddelkeeda keen.

Guud ahaan Kenya ayaa waxaa lagu leeyahay deyn gaareysa 76 Bilyan oo dollar oo aan la garanayn sida ay isaga gudi doonto inay sii kororto mooyee.

Dhanka kale Itoobiya oo iyana haatan xaalkeedu qiila waqaala uu marayo dagaallo culusna ay ka socdaan gobolka Tigray muddo sanad ah ayaa isna waxaa mashaariic horumarineed oo fara badan u sameysay Shiinaha oo u dhistay khad Tareen, jidad waaweyn oo highway ah iyo mashaariicyo kale, haddii iyaguna aysan si hagaagsan isaga bixin deyntaasi waxay ku dhacayaan dabinka deymaha shiinaha. (debt trapt/ Debt Taraab).

Shirkado Shiineys ah ayaa iyaguna 10 bilyan oo dollar ku maal gashtay waddanka Jabuuti, iyagoo qaadan doona shareka ugu badan faa’iidada u soo xaroota dowladda Jabuuti.

Intii u dhexeysay 2000 illaa 2018 waxaa isu geyn deymaha Shiinaha ee dalalka Qaaradda Afrika lagu qiyaasay 148 Bilyan oo dollar, kuwaas oo intooda badan lagu fuliyay mashaariicyo horumarineed oo aad u waaweyn.

Isku soo duuboo dhaqaala yahannada ayaa iyaguna dowladda Soomaaliya kula talinaya in ay iska ilaaliso dabinka deymaha Shiinaha oo ciddii ku dhacdaa aysan sahal uga baxayn, Bankiga Shiinahana wuxuu kuu ansixinayaa in alla intii aad doonto oo lacag ah, waxaase ay dantooda gaarayaan markii aad deyntooda bixin weyso.

WQ/ Haarun Khasaaro

Goobjoog News