Akhriso: Faah-faahinta Barnaamijka Farmaajo Ee “Is-xilqaan”, Qaabka Fulinta Iyo Lacagaha

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu furitaanka kalfadhiga 4aad ee golaha shacabka ku daah-furay barnaamijka ” Is-xilqaan”, kaas oo ah mid uu dadka ugu baaqayo in si iskaa wax ku qabso ah lagu dhiso 11 hey’adood.
Farmaajo waxaa uu sheegay in Barnaamijka “Is-xilqaan” uu halbeeg u yahay waddaniga dhabta ah ee ka dhiidhiya dayacsanaanta dhulkiisa hooyo. waxa uu ku qotomaa mabaadii’da aasaasigaah ee Dastuurku ku dhisan yahay oo si cad u kala qeexay xuquuqda iyo waajibaadka muwaadiniinta. Waxa uu ku qotomaa mas’uuliyadda Islaamnimo ee muwaaddin-nimo.
Waa maxay Is-xilqaan?
Waa barnaamij wax-qabad oo Soomaaliyeed oo sal iyo cidhibba ku leh dhaqanka Soomaaliyeed ee isku-tashiga, isku-tiirsanaanta iyo is- gargaaridda heer walba ah. Waa Barnaamij gogol-xaadh u ah soo bandhigidda wax-qabad taabbo gal ah oo ay horseed ka tahay Xukuumadda Nabad iyo Nolol, laguna xusayo sannad guurada 60aad ee Xorriyadda Soomaaliyeed.
Waa barnaamij ama mashruuc heerar badan gaadhaya ama saamayntiisa ku yeelan doona. Heerarka uu gaadhi karo waxaa ka mid ah: mid qofeed, mid qoys (family), mid deegaan iyo mid Qaranba.
Haddaba, waxaa muhiim ah in Olole xooggan oo ballaadhan lagu qaado, loona sameeyo barnaamijka ”Is-xilqaan” ee u diyaargarawga 60 guurada maalmaha xorriyadda. Ololahaas oo ah wac-yigelinta bulshawaynta Soomaaliyeed si ay dalkooda iyagu u dhistaan isuguna xisaabtamaan.
Sidee loo fulinayaa?
Waxaa la abuurayaa Guddi heer Qaran ah oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukuumadda, bulashada rayidka ah, culimaa’uddiinka iyo ciidamada.
Waxaa la abuurayaa farsamo yaqaanno iyo Injineerro hawlaha dib-u-dhiska haga iyadoo jumca kasta la shaqaynaayo laba saacadood iyo badh (2:30 hrs). Sidoo kale Khamiis kasta oo ugu dambaysa bil walba waxaa loo asteeyay maalinta ololaha “Is-xilqaan” ee nadaafadda iyo dib-u-dhiska dalka.
Waxa dib-u-dhis ballaaran lagu sameeynayaa qaar ka mid ah xarumihii iyo hantidii dawladda ee ku burburtay dagaallada sokeeye, iyadoo:-
- La abaabulayo, lagana shaqaysiiyo cududda dadweynaha (Dhalliyaaro, Shaqaale, Haween, Iskaashatooyin, ciidamada, dadweynaha xaafadaha iyo degmooyinka), laguna tartamo, la iskuna abaalmariyo
- In barnaamijka Is-xilqaan ee dib loogu dhisayo dalka si ballaaran looga wada qayb-galo xoog, fikar iyo dhaqaaleba.
Maxay Guddidu Qabanayaan: Waxa ay abaabuleysaa bulshada Soomaaliyeed, caruur iyo cirroole, dhalinyaro, waayeel, haween, shaqaalaha dowladda iyo ciidamada.
Xubnaha Guddida: Guddida Ololaha is-xilqaan waxa ay ka kooban tahay Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Hawlaha Guud, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha, Waxbarashada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Caafimaadka, Haweenka, Gaashaandhigga,Amniga, Cadaaladdaiyo Gobolka Banaadir.
Sidee Loo Maal-gelinayaa: Waa is-xilqaan ku dhisan oo uu qofku xooggiisa, xoolihiisa iyo xirafadiisa ku tabarrucaayo dalkiisana ugu deeqaayo. Hase-yeeshee. Waxaa la furi doonaa sanduuq loogu yabooho Qurbejooqta, ganacsatada, bulsho waynta Soomaaliyeed iyo qof kasta oo danaynaaya in uu wax ku darsado, iyada oo la dejinayo nidaam maamul, qaab sahlaya uruurinta iyo macluumaadka tabarucaadka dadweynuhu uga qayb-qaadanayo barnaamijka isxilqaan ee dib u dhiska dalka.
In laqu guulaysto Barnaamijka Is-xilqaan waxaa asaas u ah: Sida taariikhdu na barayso horumarka ay bulsho kasta gaarto, waxa aasaas u ah qaabka ay u fekeraan iyo sida ay ugu heelan yihiin in ay qadarkooda iyo is-xilqaankooda ku gaaraan horu-kac baaxad leh oo ay uga baxaan dib-u-dhaca ay dariska la yihiin, una hiigsadaan horumarka dhaqan dhaqaale iyo bulsho ee asaagood gaaray.
Haddaba, waxaa muhiim ah in ay is-abaabusho Ummadda Soomaaliyeed iyaga oo ku tashanaya maalkooda, maskaxdooda iyo muruqooda, si dib loogu soo nooleeyo hay’adihii Dowladda ee qaybta weyn ku lahaa horumarka iyo xadaaradda dalka.
Sidaa awgeed, iyada oo la muunaynayo sanad-guurada 60aad ee xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya ee ku aadan 2020-ga, lagana amba-qaadayo talooyinka iyo tilmaaha ay bixiyeen Madaxweynaha JFS iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, waxa lagama-maarman ah in dib loo dayactiro, loona haw-galiyo; wajiga koowaad ee Barnaamijka ls-xilqaanna lagu bilaabo hay’adaha iyo Dhismayaasha kala ah:-
- Matxafka Qarahka.
- Golaha Murtida iyo wacyi-gelinta Dadweynaha.
- Maktabadda Qaranka.
- Xaruntii Dhexe ee Xisbiga.
- Tuulada Ciyaaraha (Mogadishu Stadium).
- Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka (Isbitaal Benaadir).
- Taalooyinka Taariikhiga.
- Hir-gelinta Barnaamijka Bar ama Baro.
- Isku filnaansha xagga quudka.
- Abuuritaanka Tuulooyin Kalluumaysi.
- Dayactirka Buundooyinka.
Goobjoog News