U bood dhigaalka

Akhriso: Farmaajo Oo Furay Kalfadhiga 5aad Ee Golaha Shacabka, Kana Hadlay Arrimo Badan

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo gudanaya waajibkiisa dastuuriga ah ayaa maanta si rasmi ah u furay kalfadhigga shanaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga ayaa tilmaamay in labadii sano ee lasoo dhaafay uu saxiixay labo sharci oo kaliya, loogana baahan yahay Golaha Shacabka in ay dardargeliyaan ansixinta handi-sharciyeedyada oo wali horyaalla Labada Aqal oo gaaray 29 kuwaas oo ahmiyad weyn u leh shaqada Xukuumadda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisa ay amniga siineyso ahmiyad, isaga oo ku celiyey in dalka ku jiro dagaal, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri“Cadawga waxaa uu marayaa meeshii ugu dambeysay marka la barbar-dhigo meshii ay joogeen 10 sano ka hor, waxaan ognahay waqtigaas aan sheegayo in magaaladan iney nus heysteen, waxaan ognahay in meeshii ay rabaan weerari jireen, waxaan ognahay in wasiirro hal meel ilaa 5 ah ku laayeen iyo ardey aan waxbo galabsan, waxaan ognahay maalin barqo ah ardey aad u fara badan oo deeq waxbarasho diyaarinaya imtixaanadooda ay maalin cad meel ku laayeen, waxaan ognahay in xataa haweysteen madaxdii qaranka oo ra’isul wasaarihii qaranka shir uu ku jiray iney dhibaateeyaan, waxaan ognahay in koonfurta oo dhan ay gacanta ugu jirtay…waxaa ay ku dhamaatay in madaxdooda la laayo la yaqaaney, waxaa ay ku dhamaatay in magaalada Muqdisho laga xureeyo, waxaa ay ku dhammaatay in degmooyin iyo magaalooyin waaweyn laga xureeyo, waxaa ay ku dhammaatay iney ku jiraan baqdin iyo iney ku dhex dhuumaaleystaan shacabka dhexdiisa si ay ugu geystaan xasuuq iyaga oo aan cidna u naxariisaneyn, una arxameyn caruur iyo cirroole”.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale faahfaahiyay isbeddellada la taaban karo ee ay dowladdu ku samaysay laamaha ammaanka dalka sida Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Hay’adda Sirdoonka Qaranka, isaga oo ku bogaadiyay Xukuumadda dadaallada lagu diiwaangelinayo ciidanka isla markaana dib loogu habaynayo hannaanka saadka iyo mushaar bixinta ee Ciidanka Xoogga Dalka.

“Waxaan qorshaynay inaan isbeddello la taaban karo iyo dib-u-habayn ku samayno laamaha ammaanka ee dalka. Waxaan bilownay diiwaangelinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, booliiska iyo hey’adaha sirdoonka qaranka, kuwaas oo intii horey loo diiwaan geliyey ay mashaaraadkooda si toos ah ugu helaan koontooyinkooda. Waxaan sidoo kale socota in la dhammaystiro inta harsan si ay ayaguna xuquuqdooda si toos ah ugu heleen contooyinkooda, waxaana socoto in ay helaan inta harsan.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladdiisu ay dadaal badan gelisay koboca dhaqaalaha dalka wuxuuna hoosta ka xarriiqay in dowladdu ka gudubtey shuruudihii Hay’adda IMF ee asaaska u ahaa deyn cafiska Soomaaliya, dakhligii dalkana ay ku korodhay 30% marka la barbardhigo sannadkii ka horreeyay.

“Dhinaca cafinta deymaha, waxaan si hufan uga soo baxnay dhammaan shuruudahii nalagu xiray iyo yoolalkii aan kula heshiinnay hay’adda lacagta adduunka ee IMF si nalooga cafiyo deymaha. Dhinaca dakhliga, waxaan sanadkii lasoo dhaafay dakhliga dowladda kor u qaadnay boqolkiiba 30%, marka loo eego sanadkii ka horreeyay.”

Madaxweynaha oo ka hadlaya wadahadallada Somaliland ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay diyaar u tahay inay si waafi ah uga garawdo tabashooyinka reer Somaliland isla markaana doonayso inay ka miradhaliso wadahadallada labada dhinac si loo ilaaliyo midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Qodobbada kale ee uu Madaxweynuhu khudbaddiisa xoogga ku saaray waxaa kamid ah in doorashooyinka Jubbaland iyo Galmudug dhacaan waqtigii loogu talo-galau, hirgelinta sharciyada hortabinta u leh hawlaha Xukuumadda sida sharciga la dagaallanka argagixisada, la dagaalanka musuqmaasuqa iyo kan xaqsiinta ciidamada, siyaasadda loo dhan yahay, dib u heshiisiinta, xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo xoojinta Siyaasadda Arrimaha Dibedda.

Goobjoog News