U bood dhigaalka

Akhriso: Fashilka Ku Yimid Jadwalka Doorashada iyo Maamul Walba Tirada Hadda U Xulan

Sheeko:Baarlamaanka

Maanta oo Talaada ah ayeey ku beegan tahay waqtigii loo asteeyay in lagu soo gabagabeeyo doorashada golaha shacabka, kadib markii muddo kordhin loo sameeyay 25-kii bishii hore ee febraayo oo aheyd waqtigii loogu tala galay in lagu soo gabagabeeyo doorashada.

Illa iyo hadda waxaa si rasmi ah loo doortay 226 xildhibaan kuwaas oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka oo tiradoodu ay tahay 275 xildhibaan.

Gobalada Waqooyi ee Somaliland iyo Beelaha Banaadiriga ayaa ah maamuladii ugu horeeyay ee si rasmi ah u soo dhameystira kuraastooda golaha shacabka.

Shanta dowlad gobaleed ee dalka ayaa iyagu dhankooda aanan midka ka soo dhameystirin kuraastooda golaha shacabka, xilli lagu wado in maanta ay soo dhameeyaan kuraastooda maamulada Galmudug iyo Koonfur galbeed oo doorashada xubnahoodii ugu dambeyay ay ka socoto deegaanadooda.

Dib u dhaca doorashada ayaa noqonaya fashil kale oo ku yimid doorashada golaha shacabka oo tira dhowr jeed ah waqtigeedii dib uga dhacday.

Somaliland: 21-kii Febraayo ayaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay doorashada kuraasta Somaliland, iyagoo noqday maamulkii ugu horeeyay ee soo dhameystira xubnahiisa aqalka Hoose.

Somaliland ayaa golaha shacabka ku leh 46 mudane kuwaas oo dhamaantood hadda dooran, 12-kamid ah xildhibaanada Somaliland ayaa ah Dumar halka inta soo hartay ay yihiin rag, taas oo boqoleyda dumarka Somaliland ka dhigaysa 26%, halka laga rabay 30%.

Kuraasta Somaliland ayaa sidoo kale waxaa dib u soo noqday oo horay uga mid ahaa baarlamaanka 22 xildhibaan, halka ay cusub yihiin 24 mudane.

Banaadiri: 25-kii bishii hore ee febraayo ayaa dhamaan tood ah hal mar lagu doortay xildhibaanada banaadiriga ah magaalada Muqdisho.

Beelaha Banaadiriga ayaa golaha shacabka ku leh 5 mudane waxaana shanta xubnoodba ee sanadkaan la doortay ay noqdeen kuwa cusub oo aan kamid ahayn baarlamaankii 10-aad, waxaana dumar ka ah hal qof, taas oo boqoleyda dumarka Banaadiriga ka dhigaysa 20%, halka laga rabay 30%.

Puntland: Illaa iyo hadda maamulka Puntland ma aanu soo dhameystirin doorashadiisi golaha shacabka xildhibaanada ku matalayay.

Puntland ayaa baarlamaanka waxaa ku matala 37 xildhibaan kuwaas oo illa iyo hadda laga doortay 31 mudane, waxaana ku harsan 6 xildhibaan oo lagu dooranayo magaalada Garowe.

Kuraasta hadda xulan ee Puntland ayaa waxaa keliya dib u soo noqday 4 xildhibaan oo horay uga mid ahaa baarlamaankii 10-aad, halka 27-ka kale ay yihiin wejiya cusub oo golaha lagu arki doono.

5 dumar ah ayaa illa iyo hadda lagu doortay Puntland kuwaas oo qayb ka ah xildhibaanada 31 ah ee dooran hadda.

Hirshabeelle: Maamulka Hirshabeelle ayaa illa iyo hadda aan isagana soo dhameystirin doorashada kuraastiisa golaha shacabka.

Waxaa illa iyo hadda Hirshabeelle la doortay 25 xildhibaan oo qayb ka ah 38 kursi oo maamulkaas uu ku leeyahay galaha shacabka.

Xildhibaanada dib ugu soo noqday kuraastooda ee Hirshabeelle ayaa gaaraya 16 xildhibaan halka ay cusub yihiin 9 mudane oo keliya, waxaana dumar ka ah 4 qof, taas oo tirada dumarka ka dhigaysa inta hadda dooran 17%.

Jubbaland:  Maamulkaan ayaan illa iyo hadda soo dhameystirin kuraastiisa golaha shacabka uu ku leeyahay baarlamaanka 11-aad.

Waxaa Jubbaland ku matalaya golaha shacabka 43 mudane, waxaana illa iyo hadda dooran 23 xildhibaan oo mid kamid ah dib loo dooranayo kadib markii xildhibaankii loo doortay uu geeriyooday.

Maamulkaan ayaa waxaa illa iyo hadda ka dhextaagan caqabado fara badan, taas oo keentay in aan xal laga gaarin deegaan doorashadiisa labaad ee Garbahaarreey oo ay taallo 16 kursi.

Inta hadda dooran Jubbaland 18 mudane ayaa baarlamaanka ku cusub, halka 5 mudane ay dib u soo noqdeen, waxaan kuraastaan dumar ka ah 4 kaliya.

Koonfur Galbeed:  Maanta oo talaado ah ayaa lagu wadaa in maamulkaan uu soo dhameystiro kuraastiisa golaha shacabka ku matalaya.

Koonfur galbeed waa maamulka xildhibaanada ugu badan ku leh golaha, waxaana kuraasta u soo fadhiisanaya 69 mudane oo kamid ah 275 xildhibaan ee aqalka hoose.

Galmudug:  Si lamid ah koonfur galbeed maanta oo talaada ah ayaa lagu wadaa in maamulka Galmudug isna uu soo dhameystiro kuraastiisa golaha shacabka.

Galmudug ayaa aqalka hoose ku leh 37 mudane, waxaana lagu wadaa in kuraastooda ugu dambeysa saacadaha soo socdo lagu doorto magaalada Galkayo.

Wadarta xildhibaanada hadda xulan ayaa ah 226 xildhibaan oo laga soo kala doortay dhamaan maamul gobaleedyada dalka, kuwaas oo kamid noqonaya baarlamaanka 11-aad.

WQ/ Abdirahman Sabriye 

Goobjoog News