U bood dhigaalka

Akhriso: Goorta Ay Dhacayso Doorashada Xildhibaannada Banaadiriga

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka Beelaha Banaadiriga ayaa shaaciyey waqtiga laqanayo doorashada shan  kursi oo ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda fedelka Soomaaliya ay ku yeelanayso beesha oo  ku matali doono golaha.

Guddiga ayaa qoraal uu soo saaray waxaa lagu sheegay in kuraasta tirsigoodu kala yahay HOP#226, HOP#265, HOP#105, HOP#084 iyo HOP#034, soo xulista ergada dooranaysa iyo doorashadooda intaba ay dhacayso maalinta barri oo Jimco ah.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#265 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad  ku fadhiyey xildhibaan Lutfi Shariif Maxamed Cumar

2: Kursiga tirsgiisu yahay HOP#226 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Biibi Khaliif Maxamed.

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#105 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Jeylaani Nuur Iikar Sheekh.

4: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#034 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey xildhibaan Khaalid Macow Cabduqaadi

5:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#084 ayaa waxaa Baarlamaankii 10-aad ku fadhisey xildhibaan Fahma Axmed Nuur.

Doorashada Kuraastaan ayaa waxaa barri oo jimco ah oo taariikhdu tahay 25-ka bisha February 2022-ka oo ah goortii lagu ballamay in la soo gabgabeeyo doorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa ay ka dhacaysaa Muqdisho.

 

Goobjoog News