U bood dhigaalka

Akhriso: Imisa Musharrax Ayaa Isku Diiwaan Gelisay Guddoonka Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashooyinka guddoonada golaha shacabka ee Baarlamaanka federalka Soomaaliya ayaa  maanta bilaabay diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharrixiinta u tartameysa kursiga guddoomiyaha iyo ku-xigeennada koowaad iyo labaad oo lagu wado in dhowaan ay ka dhacdo caasimadda.

Musharixiinta ugu horreeya ee la diiwaangeliyay maanta waxaa ka mid ahaa musharrax Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo musharrax C/laahi Aadan Axmed Black oo u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federaka.

Waxaa sidoo kale guddigu shahaado siiyey musharrax Cumar Cali Caana-nuug,  musharrax  Sacdiya xaaji yaasiin samatar iyo musharrax maxamed cumar ceeymooy oo  u tartamayaan  guddoomiye xigeenka koowaad, halka musharrax C/laahi cumar Abshir(Abshiroow) uu isku diiwaan geliyay ku-xigeenka 2-aad.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada doorashooyinka golaha shacabka Cabdirisaaq Cumar Maxamuud ayaa sheegay in ay diiwaangeliyeen lix murashax, kuwaas oo  intooda badan ay qaateen shaahooyinka waxaana lagu waxaana uu sheegay in musharraxiin kale ay wali dhiman yihiin oo la filaayo in ay isisoo diiwaan geliyaan.

1- Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Musharrax  ( Guddoomiye)

2-Xildhibaan C/laahi Aadan Axmed Black musharrax ( Guddoomiye)

3- Xildhibaan Maxamed Cali Cumar musharrax  (ku-xigeenka 1-aad)

4-Xildhibaan maxamed cumar ceeymooy musharrax ( ku-xigeenka 1-aad)

5-Xildhibaan Sacdiya xaaji yaasiin samatar musharrax ( ku-xigeenka 1-aad)

6- Xildhibaan C/laahi cumar Abshir(Abshiroow) musharrax ( ku-xigeenka 2-aad).

Goobjoog News