U bood dhigaalka

Akhriso: Iran iyo Kor u Kac Ku Yimid Badeecooyin Ay Ka iibiso Soomaaliya Iyo Dalal Kale

Nofeembar 12, 2018

Agaasimaha rugta ganacsiga iran ee Trade Promotion Organization (TPO)  ee arrimaha Afrika iyo Carabta ayaa sheegay in waxyaabaha ay Iran u soo dhoofisay qaaradda Afrika ee  March 21 to September 22  ay kor u kaceen sanadkan 17% marka la barbardhigo sanadkii hore.

Farzad Piltan ayaa intaasi ku daray in waxyaabaha ay Iran dhoofiso sida Naftada iyo waxa aan naftada aheyn ay u dhoofiso dalal ay ka mid yihiin: Egypt, Kenya, Sudan, South Africa, Tunisia, Morocco, Mozambique, Tanzania, Djibouti iyo  Somalia, iyada oo ka hesha lix bil kasta lacag dhan  $397 million.

Qiimaha waxyaabaha loo soo dhoofiyey Afrika ee sanadkii tagay waxaa lagu qiyaasay ilaa $752 million waxaa jirtay siyaado dhan $142 million oo ah sanadkii ka horeeyey.

Waxyaabaha ay Iran u soo dhoofiso Afrika waxaa ka mid ah: birta, shubka, gaaska, shamiitada, biscuits, Shukulaatada, saliidda matoorka iyo kuwoo kale.

Goobjoog News