U bood dhigaalka

Akhriso: Khudbadaha Murashaxiinta Madaxtinimada Jubbaland

Sheeko:Baarlamaanka

Canab Maxamed Daahir oo aheyd mushaxii 1aad ee Madaxtinimada Jubbaland ee hortimaada Baarlaamnka, ayaa ka codsatay in baaralaanka ay ku taageeraan codkooda waxaa ayna ka horjeedisay waxqabadkeeda haddii ay ku guuleysato madatinimada Jubbaland waxaana hadalkeedii ka mid aha” sareynta sharciga oo qof, koox aysan u noqan kuwa ka sareeyo sharciga, ku dhaqanka sharciga u dagsan Jubbaland iyo kan faderaalka dowladdeydu waxaa ay u noqonayaan muhiimad gaar ah, labada hey’adood Garsoor iyo Cadaaladda waxaa ay laf dhabar u yihiin bulshada, sidaas daraadeed waxaan xooga saari doonaa daryeel, waxaan kale oo xooga saarayaa amniga iyo dardar galintii loogu jioray midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaan rabaa inaan gacanta ku soo celiyo gobollada ka maqan gacanta maamulka,waxaan xooga saarayaa is ku keenida umaad iyo dib u heshiisiin dhab ah oo waarta, waxaan xooga saarayaa caafimaadka aniga oo ku dadaalaya in hooyada iyo caruurta ay helaan isbitaal u gooni ah, waxaan xoojin doonaa ciyaaraha qeybahooda kala duwan iyo garoomo caalami ah, maalgashiga iyo waxbarashada oo aan gaarsiin doono ilaa heer jaamacadeed oo lacag la’aan ah iyo wanaajinta xiriirka Jubbaland kala dhexeeyo beesha caalamka.

Maxamed Cumar Xaaji oo ahaa musharaxii 2-aad ee ka hor hadlay Baarlamaanka dowlad gobaleedka Jubbalnad ayaa soo gudbiyay wax qabadkiisa haddii uu ku guuleysto doorashada madaxweynaha ee Jubbaland, musharaxa ayaa khudbadiisa uga hadlay dhowr arrimood oo ay muhiimsanaayeen ammaanka arrimaha bulshada cilaaqaadka dowladda dhexe ee federaalka iyo dowlad gobaleedyada iyo inuu ku dadaalayo 7 sano ka dib sigii uu ku gaari lahaa caasimadda maamulaka ee bu ‘aale.
” haddii aan ku guuleyso, oo aad igu gacan siisaan waxaan la’ imaan doonaa siyaasda mideysa dadka dega Jubbaland aniga waxaan ahay nin aad deegaanka ku dhashay, aadna u kala yaqaana guud ahaantiisa, sidoo kale waxaan awooda saaridoonaa sharciga inuu noqdo mid sareeya oo qof ama koox aysan ula tartamin ku dhaqanka sharciga uu noqdo muhiimada koowaad, dhanka kale waxaan awooda saari doonaa amniga iyo nolosha oo maanta muhiimad gooniya noo leh, sidaad ogtihiin magaaladaan aan joogno ee Kismaayo waxaa ay gacanta dowladda ay ku jirtaa 7-sano, waxaa jira wax yaabo badan oo la qabtay wixii la qabtay ayaan horay u sii wadi doonaa, wixii la gaari waayayna waxaan isku dayeeynaa inaan gaarno oo ay ugu wey tahay caasimaddii Bu’aale”.

Axmed Maxamed Islaam, oo ahaa mu sharaxii 3-aad ee ka hor jeediyay khudbaddiisa Baarlamaanka, ayaa ku dheeraaday hadalka waxii la soo qabtay muddadii xilka uu haayay, asaga oo sheegay in waxbadan ay soo qabsoomeen laguna guuleystay wax badan, oo ka mid yihiin dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha bulshada iyo in maal galin lagu sameeyo gobalada Jubbland.
Axmed madoobe ayaa sheegay in afartii sano ee la soo dhaafay lagu guuleystay waxyaabo badan oo ka mid yihiin in la dhisay ciidamo xoogan, waxbarashadana hor laga sameeyay iyo dhanka caafimaadka, asaga oo ka hadlaayo wixii uu qanban lahaa haddii la doorto mar klae ayuu yiri” Waxaan noogu horeyn doona amniga waxaan ka shaqeyn doonaa sidii aan ku xoreyn laheyn goobaha wali gacanta Shabaabka ku jira, waqtigii hore ma aanan helin cid nagala howl gasha in badan waxaad maqasheen aniga oo leh hala xisaabtamo dowladda federaalka hanoqo, AMISOM ama beesha caalamka, oo qola walbaa meel ha lagu ogaado oo aan dhaqaano oo aan raadino sidii loo gaari lahaa deegaanada maqan, taas oo keentay in waqti dheer ay qaadato oo ay jiitanto haddana nagu soo gaarto, waxaan ku fakareynaa is ku tashi aan annagu is ku tashaneyno.

Mudane Axmed Madoobe oo sii hadlaya “ Waxaan isku dayi doonaan inaan awooda saarno inaan hormarino arrimaha caafimaadka oo Isbitaalada aan casriyeeyno, daawo la hubiyayna aan keeno iyo dhaqaatiir, aan ugu kaaftoomeyno in qof xanuunsaday dibadda aan cafimaad ahaan ugu qaado, oo dadku ay kaga maarmaan baahida badan ay u qabaan, markaan deegaanada aan xoreyno waxaan u soo jeesan doonaa sidii aan ku hormarin laheyn warshadihii gobalkaan uu lahaa, sida Warshadii Sokorta, middii Kartoonka, middii Bariiska, iyo Mashruucii Faanoole”.

Maxamuud Muxumud Cumar oo ahaa musharaxii Afaraad ee ka hor hadlay Baarlamaanka ayaa sheegay muddii jubbaland ay jirtay in la qabtay waxyaabo badan waxna aan wali la gaarin in la qabto asaga oo waxyaabaha uu qaban lahaa in ay ugu horeyso in maamulka is ku xirnaan uu yeesho uuna ku dadaali doono sidii gobalka dadkiisa ay maal gashan lahayeen waxaa uu yiri” waxaan ku dadaali doonaa is ku xirnaan maalka ah iyo maalgashi caalami ah oo waafaqsan shuruucda dalka u dagsan, ayadoo la xaqiijinayo in heshiisyadu noqdaan kuwo daah furan, oo laga ansixiyay dhamaan hey’adaha iyo golayaasha dowladda, si furanna loogu soo ban dhigay shacabka, waxaana mudnaan gaar ah siin doonaa ilaalinta midniomada Jubbaland, dad iyo dhulba, iyo xudoodaha, waxaan kale oo aan xooga saari doonaa xaqsiinta ciidan, ayadoo qof kasta oo ciidan ah uu heli doono mushaar joogta ah”.

Goobjoog News