Akhriso: Khudbadda Guddoomiye Abshir Axmed ee Furitaanka Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah mudane Abshir Maxamed Axmed ayaa saqdii dhexe ee Khamiista waxaa uu khudbad dheer oo ka jeediyey daah furka shirka dib u heshiisiinta Galmudug. Senator Abshir waxaa uu ka hadlay hannaanka dib u heshiisiinta Galmudug, kaalinta odeyaasha dhaqanka ee xulista xildhibaannada, sida ay muhiim u tahay in matalaad ay goleyaasha ka helaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool Galmudug iyo ugu dambeyntii sida ay muhiim u tahay in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda Kheyre ay ka fogaato faragelinta doorashada, loona baahan yahay in masaafo isku mid ah u jirto murashaxiinta.

Haddaba, Goobjoog News ayaa qortay khudbadda oo dhameystiran:

Bismillaah, ra’isulwasaaraha Jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliyeed mudane Xasan Cali Kheyre,  xildhibaannada baarlamaanka federaalka ee Soomaaliyeed, xildhibaannada dowlad gobaleedka Gamudug, odeyaasha dhaqanka, salaadiinta, boqorrada, ugaasyada, imaamyada, guddiga dib u heshiisiinta iyo hoggaankooda, marti sharafta, dhalinyarada, haweenka, bahda Saxaafadda iyo abwaanada Waabari Galmudug intaas oo dhan waxaan ku salaamaya salaan diiran.

Salaan ka dib,  waxaan faraxad weyn ii ah caawa in aan halkan ka soo qeyb galo aniga oo matalaya baarlamaanka federaalka Soomaaliyeed, waliba aniga oo si gaar ah u matalaya kuna hadlaya afka iyo magaca mudenayaashii labada gole ee maanta ay noo fududaatay oo ay noo suurogashay in aan halkan soo gaarno si aan uga qeyb galno furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaan filayaa in ay noqon doonto towfiiq iyo shir lagu guuleysto, maxaa yeelay waxaan maanta soo gabagabeynay shir kale oo dib u heshiisiin ah oo la yiraahdo shirka nabadda ee Hobyo, shirkaas oo shan beel oo ka mid ah beelaha Galmudug ee halkan fadhiya ay mar hore ku soo heshiiyeen, tabashooyinkii iyo waxyaabihii iyaga ka dhaxeeyay muddo 50 maalmood ah oo ay halkaas fadhiyeen, marka shirkaas oo soo gabagaboobay, waxaa ku soo xigsaday furitaankii isla maanta shirkam,  gelinkii hore ayuu kaasi soo idlaaday kana waxa uu furmay galinkii danbe ee caawa, marka waxaan leeyahay shirkan waxaa uu dhameystiri doonaa shirkaas oo soo gabagaboobay, intaa ka dib shirkan caawa halkaan loo fadhiyo oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug waxaan ku macneyn karaa inuu yahay shirkii 2aad ee dib u heshiisiinta Galmudug, maxaa yeelay shirkii 1aad  ee dib u heshiisiinta Galmudug waa midkii Galmudug lagu soo yagleelay,  oo lagu soo dhisay, waa midkii dadka aniga aan ka midka ahay ee halkan jooga mudanayaashii ay soo doorteen aan ka mid nahay, waa shirkii mudanayaashii ka soo baxay dowladda hadda jirta golayaasheedana ay ku jiraan laanteeda fulintana ay soo doorteen, sidaas darteed Galmudug waxaa ay leedahay taariikh fog oo dib u heshiisiin ah ka dib markii Galmudug oo maamullo kala gadisan ah qolaba ay meel dagan tahay la suurta galiyay in dadaal, tanaasul iyo dib u heshiisiin waqti qaadatay ay ka dhalatay dowlad gobaleedkii Galmudug.

Waxaan rabaa inaan si gaar ah  kale   ugu mahadceliyo anigoo munaasabaddaan ka faa’ideysanaya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ka mid ahaa dadkii yagleeklay Galmudug oo waliba yagleeliddii Galmudug ka qaatay kaalintii ugu weyneed maadaama uu tanasulay oo uu Galmudug wax kasta in ay sameysanto ka doorbiday, waxaan leeyahay senator aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay,  Galmudugtaas maanata shirkaan aan u fadhino oo ah shirka dib u heshiisiinta Galmudug qeybtiisa 2aad waxaa uu noqonayaa mid dhameystiraya midkii ka horeeyay, haddaba isiga laftgiisa sida caawa halkan lagu fadhiyo waxaa uu ku yimid dadaal iyo tanaasuliyo isu sabar aan filayo in qof kasta ay maanta ka dharagsan tahay, waxaana horseed ka ahaa ururka Ahlusunna waljamaaca oo madaxdiisii qaarkood halkan ay fadhiyaan, waxaan leenahay iyaga mahad balaaran ayaan u jeedinaynaa, tanaasulka ay u sameeyee Galmudug in ay soo gaarto marxaladdaan.

Aniga oo munaasabaddan uga faa’ideysanaayo in aan isagana uga mahadceliyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo isaguna suurtogeliyay Galmudug meeshaan hadda aan joogno inuu keeno,   tanaasulkaasna isagu uu soo bilaabay,  qof kasta oo ka qeyb qaadatay dhismaha maamulka Galmudug bilow ilaa iyo maanta la joogo oo dowlad ah,  mas’uuliyiin kala gedisan ah,  oo dhaqan ah oo bulsho ah dhammaantood,  waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin, waxaadna waqti ku bixiseen marxaladda caawa la joogo in la yimaado.

Su’aasha taagan waxaa ay tahay Galmudug haddii horay loo soo heshiiyay dib u heshiisiintan maxay tahay? Dib u heshiisiintan waxaa ay tahay waan sheegnay oo waa dib u heshiisiin  dhameystiraysa middii ka horeysay, lakiin miraha laga rabo dib u heshiisiintan ayaa ka gedisan middii tii hore laga rabay, dulduleelkii iyo qabyadii hore ee ku  jirtay Galmudugtii hore ee sababtay iney ribato ayaa la rabaa in lagu turxaan bixiyo shirka halkan caawa lagu daah furayo,  shirka dib u heshiisiinta Galmuldug oo ay fadhiyaan cuqaashii, nabadoonadii,  salaadiintii, imaamyadii  markii horaba soo dhisay iyagana waxaan leenahay waad mahadsan tihiin markale ayeey Galmudug idiin baahatay.

Galmudugta aan maanta u baahannahay oo la rabo in la dhisaa waa Galmudug aan mar sedexaad u baahandoonin dib u heshiisiin, oo dib u heshiisiintaan ay dowladda federaalka hormuudka ka tahay, ra’iisalwasaaraheenii uu dadaalka ku bixiyay,  mudane Xasan Cali Kheyre waa mahadsan yahay raiisalwasaaruhu, waxaan filayaa inaan hadda kadib loo baahan doonin Galmudug mar sedexaad dib u heshiisiin loo raadiyo,  maadama Galmudug hadda ay ku jirto muddo xileedkeedii labaad ee dastuuriga ahaa, haddii hadda la sameeyo goleyaashii fulinta iyo wakiilada waxaan filayaa Galmudug inaysan gali-doonin hadda ka dib hakad, oo markasta oo muddo xileedkeeda uu dhamaado si habsami leh ugu gudbi doonto muddo xileedka kale. Galmudugta la rabo in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah waa Galmudug mideysan, waa Galmudug aan tafaraaruq laheyn, waa Galmudug adeegii looga baahnaa iyo himaladii iyo hankii  ay umadda  ka lahaayeen fulin karta,  kana haqab-tiri karta bulshadeeda, haddii aan si kale u dhigo Galmudugta laga rabo in ay ka soo baxdo shirkaan dib u heshiisiinta waa Galmudug ku taagan hey’ado dastuuri ah oo xoogaan, hey’ado maamul  oo xoogan iyo hey’ado  u shaqeeya   dadka,   hey’ado Galmudug ka gudbiya marxalad una gudbiya marxalad kale oo hakad ka ilaaliya, taas oo macnaheedu tahay waxa loo baahan yahay Galmudug maanta kadib aan mas’uuliyiinteeda, hoggaankeeda aan lagu ridin Garaashyo, Galmudug mas’uuliyiinteeda maanta ka dib aysan dhicin in ay is qabsadaan, Galmudug aan ku kala shaqeynin laba deegaan, Galmudug aan yeelan laba mas’uul, ee waxaa la rabaa in ay ka soo baxdo shirkan dib u heshiisiinta ah ee caawa halkaan lagu daah furayo Galmudug leh hey’ado dastuuri ah oo xoogan oo ka ilaaliya hakadka hadda galay.

Waxaan rabaa inaan halkaas uga baxo shirka dib u heshiisiiinta caawa halkan nooga furmayo,  oo aan rajeynayo inuu inuu noqan doono mid lagu guuleysto, waxaana mahaddaas iska leh oo aan filayaa in dhammaan dadka reer Galmudug ay abaal uga heyn doonaan qof kasta oo dadaal ku bixiyay, qof kasta oo waqti geliyay, qof kasta oo tanaasul u sameeyay, qof kasta oo ka door biday dantiisa gaarka ah in la gaaro danta guud, intaa ka dib haddii Galmudug heshiiskeeda la sameeyo oo dib u heshiisiinteeda la sameeyo,  waxaa loo baahanyahay in la dhiso Galmudugtii aan soo tilmaamay oo lahaa hey’adaha dastuuriga ah ee ku dhisan tiirar adag , haddaba Galmudugtaas yaa mas’uuliyadaas ka saaran tahay ee loo baahan yahay?  Waxay mas’uuliyadi ka saarantahay cuqaasha, nabadoonada,  salaadiinta iyo boqorada halkan fadhiya, oo waajibka saaran ah in la helo mudanayaashii Galmudug matali lahaa,  in ay u soo xulaan,  oo Galmudug u soo xuli lahaa hoggaanka Galmudug, haddana oo gaarsiin lahaa Galmudug mideysan oo kawada howlgasha dhammaan deegaanada Galmudug, mideeyana Galmdug xagga siyaasadda iyo xagga amniga, sidaas darteed waxaa saaran cuqaasha halkan fadhisa,  nabadoonada, salaadiinta, boqorada iyo imaamyada isugu jira mas’uuliyad aad iyo aad u culus , Galmudugtaas oo caawa halkan aan dib u heshiisiinteeda aan u fadhino oo la dhisi doonaa sida ay u ekaato ayuuna ayuu hoggaankeedana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu deegaankana u ekaan doonaa, sida ay u ekaato ayuu Galmudug oo dhan  u e kaan doontaa siyaasad iyo amni ahaanba, waa mas’uuliyad culus oo ka soo bilaabaneysa salaadiinta halkaan fadhisa caawa.

Waxaan kaloo rabaa Galmudug la dhisayo oo la yiri waa 11 qabiil, waxaan rabaa in aan fursaddan uga faa’ideysto Galmudug in laga dhigo maadama muddo xileedkeedkeedii labaad la yagleelayo in laga dhigo 12 qabiil, qabiilkaas oo ah dadka barakacayaasha ee ku nool deegaanada deegaanka Galmudug, waxaa ay tiradoodu gaareysaa ilaa 90,000 oo qof, Galmudug keliya barakacayaasha ku nool si dalka Soomaaliyeed uu u helo midnimo, dadku ay u noqdaan dad hal ah, dalka federaalka uu u noqdo “federal inclusive ah”, oo dalka dad kasta oo deggan waa in ay helaan matalaad cid matasha,  oo matalaad dhab ah siisa, dadka barakacayaasha ah ee Soomaaliya joogaa waxaa lagu qiyaasaa  hal milyan iyo bar, marka meel kasta oo joogaan waxaa ay u baahan yihiin matalaad, gaar ahaan dowlad gobaleedyada aysan ku laheyn matalaadaa sida dowlad gobaleedka Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle, marka Galmudug waxaa sharafweyn u ah oo aan ku guubaabinayaa in ayadu bilaawdo in dadkaasi helaan matalaad dhab ah,  maadama Galmudug ay ku dagan yihiin tiro aad iyo aad u badan oo aan ka yareen qabiilada Galmudug daga.

Waxaan rabaa inaan dardaaran yar ama talo soojeedin ka bixiyo, tala soojeedintaas aan u soo jeedinayo dowladda federaalka Soomaaliyeed madaxdooda oo ugu horeeyo ra’isulwasaaare xasan Xasan Cali Kheyre, taas oo ah si loo helo Galmudug mideysan,  oo dadkeeda oo dhan ay wada dareemayaan in Galmudug ay wada leeyihiin, waxaa lagama maarmaan ah in dowladda federaalka ah process-ka iyo hannaanka Galmudug hadda dib loogu yagleelayo sida ay ku wado hadda oo si inclusive ah oo aan ku bogaadineyno oo aan uga mahadcelinayno inuu process-ka uu sidaas ku socdo,  oo dhammaan dowladdu ay noqoto hey’adaheeda oo dhan dowlad iyo hey’ado dadka Soomaaliyeed ay u siman yihiin, dadka Soomaaliyeed dhammaan ay xooggeeda  iyo xoolaheeda iyo maamulkeeda intaba ay u siman yihiin. Sidoo kale dad allaala dadka ku tartami doona Galmudug oo Galmudugta caawa dadaalkaan lagu bixinaayo,  intaan oo qof la is kugu keenay oo ilaa 1000 ku dhow sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta , meeshaas oo la rabo inuu ka soo baxo hoggaan ka kooban labada laamood ee fulinta iyo sharci dajinta dowlad gobaleedka Galmudug, si taas loo gaaro waa in dowladda federaalka ah gaar ahaan xukuumadda ay process kaas ka qaadataa fogaan ka fog midda dad kale loo baahan yahay oo dhibka iyo mushkilada laga yaabo in  maanta Galmudug ay ku hayaan inta la rabo inay ka fogaadaan,  ay ka fogaato, oo dadkaasi oo dhan ay helaan musharaxiinta dhan si fare ah oo xuquuqdoodo simman tahay in dhammaantood ay fursadda isla helaan, waxaan hadalkaas u leeyahay waxaa ay tahay caawa oo dhan halkan waxaa ka socday Galmudug quruxbadan, Galmudug qurxoon ayaan u baahan nahay,  si loo helo Galmudugtaas,  waxaa lagama maarmaan ah  process-kii ay ku imaan laheyd la hirgaliyo, haddana waxaa muuqda bar bilawgeedii sida ay ku bilaabatay waa si ififaalo fiican ah oo aan rajeynayno in ay sidaasna ku dhamaato,  si loo helo Galmudug mid ah oo mideysan,  oo leh hoggaan labadiisa laamood oo fulin kara himilada iyo hanka dadka reer Galmudug.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW