U bood dhigaalka

AKhriso : Kuraas Ka Tirsan Golaha Shacabka oo Kismaayo Lagu Dooranayo Yaa Ku Tartamaya?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG uah dowlagd goboleedka Jubbaland ayaa waxaa maanta lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya.

Kuraas maanta lagu dooranyo magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kala yihiin Hop#092,  Hop#023 iyo Hop#132, kuwaas oo deegaan doorashaduudu ay tahay deegannada Jubbaland, waxaana lagu wadaa in la doorto maanta  oo Jimco ah 18-2-2022.

1: Kursiga tirsigiisu yahay Hop#092 ayaa waxaa ku fadhiyo Baarlamaankii 10-aad  guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee golaha shacabka Maxamuud Cabdullaahi Siraaji, iyadoo kula tartami doonan wasiirkii hore ee howlaha guud xiligili Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi iyo Cabdullaahi Aadan Cabdi, waxaana la sugayaa cidda kusoo baxda sedexdooda musharrax.

2: Kursiga yahay Hop#023 ayaa waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad  Cali Maxamed Muuse, waxaa Maanta ku tartami doona Sahra Cabdi Cilmi iyo Nasro Mahdi Caraale, kuwaas oo u sharaxan kursigaan oo maanta lagu dooranayo Kismaayo.

3: Kursiga tirsigiisu yahya HOP#132 ayaa waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyey  Ibraahim Maxamed Xuseen (Buulle) waxaa ku tartami doona laba musharrax Cadar Xareed Jibriil iyo Ifraax Cabdiqani Yuusuf, waxaana la filayaa in la doorto.

Dooorashada golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa doorashadiisu ay maraysaa heer gababa ah, waxaana waqtigii loo asteeyey in lagu soo idleeyo doorashada golaha ka harsan 7 cisho, oo ku eg 25-bishan February 2022-ka.

Goobjoog News