U bood dhigaalka

Akhriso: Liiska Tartamayaasha Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa Ee Hirshabeelle

Sheeko:Baarlamaanka

Guddiga doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka Hishabeelle ayaa maanta shahaadooyinka aqoonsiga guddoonsiiyey murashaxiita u taagan hoggaanka sare ee maamulkaasi madaxwweynaha iyo ku-xigeenka.

Murashaxiita maanta guddoomay shahaadooyinka ayaa ah shan musharrax, kuwaas oo u taagan xilka ugu sareeyo ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa waxaana ay kala yihiin.

1- Masharax Cali Guudlaawe Xuseen madaxweyne ku-xigeenkii hore oo u taagan xilka madaxweynaha

2-Musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo utaagan xilka madaxweynaga Hirshabeelle.

3-  Musharax Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan oo u taagan xilka madaxweynaha Hirshabeelle.

4- Musharax Yuusuf Axmed Hagar oo u tartamaayo madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

5- Musharax Maxamed Maxamuud Cabdulle oo u taagan  madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

Marashaxiinta maanta guddoomay shahaadooyinka maalinta barrito ah waxaa khudbooyinkooda ka horjeedin doonaan golaha wakiillada maamulkaasi, taas oo ay uga hadlayaan waxqabadkooda haddii ay ku guuleystaan.

Guddiga ayaa maalinta arbacada ah waxaa ay qaban doonaan doorashada madaxweynaha iyo madaxweynaha ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle sida ay ku dhawaaqeen guddiga dooorashada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Goobjoog News