U bood dhigaalka

Akhriso: Magacyada Xildhibaanada Aqalka Hoose Ku Matalaya Somaliland!

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa heer gabagaba ah maraya xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka 11-aad oo doorashadooda ay ka socoto deegaanada dalka.

Illa iyo hadda 3 maamul iyo Somaliland iyo beelaha banaadiriga ayaa soo dhamaystiray xildhibaanadooda ku matalaya baarlamaanka afarta sano ee soo socota.

Waxaan halkaan Goobjoog News  ay idiinkugu soo gudbinaysa deegaanada soo dhamaystiray xildhibaanadooda xubnaha ay soo xuleed iyo kuwii horay kuraasta ugu fadhiyay.

Warbixintaan waxaan ku eegayna xubnaha sanadkaan soo socda ku matali doona Somaliland golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad.

Somaliland waa deegaanka labaad ee ugu badan ee xildhibaanada ay ka soo galayaan baarlamaanka marka laga yimaado Koonfur galbeed.

Hadaba yaa ku soo baxay kuraasta Somaliland, kuwaas oo matali doona afarta sano ee soo socta, yaase horay ugu fadhiyay kuraastaas?

Somaliland waxa ay golaha shacabka ku leedahay 46 kursi kuwaas oo tirsigoodu yahay :

HOP#037, HOP#201, HOP#202, HOP#205, HOP#206, HOP#207, HOP#208, HOP#209, HOP#210, HOP#211, HOP#212, HOP#214, HOP#215, HOP#218, HOP#224, HOP#225, HOP#226, HOP#229, HOP#233, HOP#236, HOP#237, HOP#238, HOP#239, HOP#240, HOP#241, HOP#242, HOP#243, HOP#244, HOP#245, HOP#246,  HOP#247, HOP#254, HOP#255, HOP#257, HOP#258, HOP#259, HOP#260, HOP#262, HOP#263, HOP#264, HOP#267, HOP#268, HOP#269, HOP#270, HOP#271 iyo HOP#272.

Xildhibaanadi ku fadhiyay iyo kuwa loo doortay:

HOP#037:   Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Huda Axmed Cali, waxaana hadda loo soo doortay xildhibaanada Ifrah Maxamed  Cawad.

HOP#201:  Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, waxaa hadda loo doortay xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib.

HOP#202: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Aamina Cumar Jaamac, Xildhibaanada Aamina ayaa markale loo doortay kursigaan.

HOP#205: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Sahra Cabdulkaadir Cabdiraxmaan, hadana waxaa loo doortay xildhibaan Axmed Cabdi kooshi.

HOP#206: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Ibraahim Cabdi, xildhibaan Maxamed ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#207: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Faysal Cumar Guuleed, waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Dr. Maxamed Xasan Maxamed.

HOP#208: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Maxamed Huruuse Cabdullaahi.

HOP#209: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Axmed Dhimbil Rooble, waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Maxamed Xuseen Haadi.

HOP#210: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Faadumo Xasan Cali, Xildhibaanad Faadumo ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#211: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Caasho-Koos Maxamuud Cumar, waxaana markale dib loogu doortay kursigaan xildhibaanad Caasho-koos.

HOP#212: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Nuuriya Aadan Ciise,waxaana markale dib loogu doortay kursigaan xildhibaanad Nuuriya Aadan Ciise.

HOP#214: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur, waxaana hadda markale loo doortay xildhibaan Cilmi Maxamuud Nuur.

HOP#215: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Faatix Siciid Xasan, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Ayuub Ismaaciil Yuusuf.

HOP#218: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanCabdow Maax Faarax , waxaana hadda loo doortay xildhibaan Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim.

HOP#224: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Saalax Axmed Jaamac, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Caydaruus Saalax Yuusuf.

HOP#225: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye),   waxaana hadda markale loo doortay Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

HOP#226: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maryan Maxammed Ciise, waxaana markale loo doortay xildhibaanada Maryan Maxammed Ciise.

HOP#229: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Ducaale, xildhibaankaan ayaana markale loo doortay kursigaan .

HOP#233: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Yurub Axmed Raabi  , waxaana hadda loo doortay Ahmed Cismaan Diiriye.

HOP#236: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cadnaan Cismaan Cilmi (Boqore), xildhibaankaan ayaan markale loo doortay kursiga HOP#236.

HOP#237: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Biixi Iimaan Egeh waxaana markale loo doortay Biixi Iimaan Egeh.

HOP#238: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Ismaaciil Cabdiraxmaan Sh. Bashiir, waxaana markale uu ku guulaystay kursiga .

HOP#239: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Xuseen Carab Ciise, waxaana hadda loo doortay xildhibaan   Mahdi Maxamed Guuleed.

HOP#240: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Suuri Diiriye Carab,  waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Cali Maxamuud Aadan.

HOP#241: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdirisaaq Daahir Maxamuud, waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Cabdiqani Ismaaciil Saciid.

HOP#242: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Faaduma Ismaaciil Xuseen, xildhibaanad Faaduma ayaan markale ku guulaysatay kursigeeda.

HOP#243: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cumar Carte, waxaana hadda loo doortay xildhibaanad  Zamzam Maxamed Cumar.

HOP#244: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud Xayd, xildhibaan Xayd ayaan markale dib loogu doortay kursigiisa.

HOP#245: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Suge, Xidlhibaan Suge ayaan markale dib loogu doortay kursigiisa.

HOP#246: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Axmed Maxamed Jaamac, waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Nuuradiin Cabdullahi Coljoog

HOP#247: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Khadra Maxamed Tukale, xildhibaanad Khadra ayaana        markale dib loogu doortay kursigeeda.

HOP#254: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Jaamac Maxamed Askar,  Xidlhibaan Askar ayaan markale dib loogu doortay kursigiisa.

HOP#255: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Axmed Maxamuud Muxamed, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

HOP#257: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdalla Xaaji Cali Axmed, waxaana hadda loo doortay xildhibaanad Nadra Saalax Cabdi.

HOP#258: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Sahra Yuusuf Cige, Xildhibaanada Sahra Yuusuf Cige ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#259: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Idaan Yoonis, xildhibaan Cabdiraxmaan Idaan Yoonis ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#260: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Faadumo Odawaa Raage , waxaana hadda loo soo xulay xildhibaan Suleymaan Cali Xuseen.

HOP#262: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayada ayaan markale loo doortay kursigaan.

HOP#263: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Muuse Siciid Jaamac (Laari), xildhibaan Laari ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#264: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdifitaax Ismaciil Daahir, waxaana hadda loo doortay xildhibaan  Cabdullahi Maxamed Cabdi.

HOP#267: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Saynab Maxamed Caamir, xildhibaanadda ayaana markale loo doortay kursigaan.

HOP#268: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cali Xagaa, xildhibaanka ayaana markale loo dortay kursigaan .

HOP#269: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Maxamed Cabdullahi Kaamil , waxaana hadda loo doortay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cumar.

HOP#270: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Sakariye Xuseen, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Cabdiwahaab Cabdi Cumar.

HOP#271: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeyee, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Cali Cabdi Ibraahim

HOP#272: Waxaa baarlamaankii 10-aad ku fadhiyay xildhibaan Guuleed Caydaruus Cige, waxaana hadda loo doortay xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Cumar.

WQ/ Abdirahman Sabriye

Goobjoog News