U bood dhigaalka

AKhriso: Magacyada Xildhibaannada Kusoo Baxay Doorashadii Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Kismaayo ee xarunta kumeel gaarka u ah dowlad goboleedka Jubbalanad ayaa maanta  lagu doortay kuraas ka tirsan golaha shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jdowladda federalka ah ee Soomaaliya HOP#132, HOP#092 & HOP#023.

1: Kursiga tirsigiisu yahay HOP# 132 ayaa waxaa kusoo baxday Xildhibaan Cadar Xareed Jibriil, kadib markii tartamka ay isaga tanaasushay musharrax Ifraax Cabdiqani Yuusuf, waxaana loogu codeeyey gacantaag, waxaana ogalaaday Ergada.

2: Kursiga tirsigiisu yahay HOP#092 ayaa waxaa kusoo baxay xildhibaan Cabdullaahi Aadan Ibraahim, kadi markii tartanka kursiga uu ka tanaasulay Saadaq Cabdullaahi Cabdi, waxaana loogu codeeyey gacantaag isaga oo 101 Erdaga ogolaadeen.

3:Kursiga tirsigiisu yahay HOP#023 ayaa waxaa kusoo baxday xildhibaan Nasro Mahdi Caraale, kadib markii doorashada kursiga ay ka tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi, waxaana ay kusoo baxday gacantaag 100 Ergo ayaa wadar ogod ku siisay.

Kuraasta maanta lagu doortay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay kamid noqonayaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana wali doorashada Jubbaland aysan ka dhicin Garbahaarey waqtiga ayaa ku eg 25-ka.

Goobjoog News